Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay aqoonsiga maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland uu ka helay maamulka sahyuuniyadda Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta ee Falastiin.
Dowladda Riddada Jabuuti oo si wayn u diiddan aqoonsiga Yahuuddu siisay maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa, ayaa lasoo warinayaa inay albaabada isugu dhufatay xafiis uu maamulkan kulahaa magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.
Sarkaal ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay inay dowladdiisu si rasmi ah u xirtay xafiiska maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland oo ahaa mid xiriir, wuxuuna intaas ku dartay inay joogsadeen dhammaan howlihii ka socday xafiiskaasi.
Dhanka kale, waxay ugu yeeraan wasaaradda arrimaha debadda maamulka Riddada ah ee Somaliland ayaa sheegtay in uu u yeertay wakiilka u fadhiyay Jabuuti, si ay wada tashi ula yeelato.
Qoraalka wasaaradddaasi ayaa nuqul ka mid ah u dhignaa sidan” Somaliland waxay ku wargelinaysaa in ay dib ugu yeeratay wakiilkeedii u joogay Jabuuti, si uu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa.
Wakiilka dowladda Jabuuti ee ku sugnaa Hargaysa ayay wararku sheegayaan in isagana looga yeeray magaalada Jabuuti ee caasimadda waddankaas, taasi oo qayb ka ah diidmooyinka ka dhashay aqoonsiga uu maamulka Yahuuddu siiyay maamul goboleedka ashahaada la dirirka Somaliland.