Dowladda mareykanka ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero argagaxisada ay ku dartay hoggaamiye sare oo katirsan jamaacada Jihaadiga ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta ee ka dagaallanta wadanka Maali.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraad lagusoo rogay hantida sheekh Bah Ag Musa oo kamid ah hoggaamiyaasha dhanka howlgallada uqaabilsan jamaacada Ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta.
“waxaan beegsanaynaa hoggaanka jamaacadan oo ah faraca Alqaacidda ee dalka Maali sababa laxiriira weerarada Argagaxiso ee ay ka waddo guud ahaan wadanka ayna ku beegsanayo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Q.midoobay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Sida wasaaradda keydka Mareykanka ay ku dooday waxaa xayiraad lagusoo rogay dhammaan keydadka iyo hantida hoggaamiya Bah Aga Muusa balse mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Maali waxay sheegeen in hoggaamiyahan jihaadiga ah uusan wax hanti ah ku laheyn dibadda gaar ahaan mareykanka.
Sarkaalkan mareykanku sheegay in ay ku dareen liiska waxa argagaxisada loogu yeero ayaa hoggaamiyay weeraro dhiig badan looga daadiyay askarta xukuumadda Maali iyo ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee ku midaysan isbahaysiga q.Midoobay kuwaas oo saldhigyo ku leh waqooyiga iyo bartamaha Maali.
Bishii september ee sanaddii lasoo dhaafay ayay dowladda saliibiyada Mareykanka iclaamisay in liiska argagaxisada ay ku dartay jamaacada ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta Maali.