Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Duullaankii Todobada October: Bilawgii Dhammaadka Maamulka Yuhuudda WQ.Nageeye Cali Khaliif.
  • Allposts
  • Warar

Duullaankii Todobada October: Bilawgii Dhammaadka Maamulka Yuhuudda WQ.Nageeye Cali Khaliif.

October 7, 2025

بسم الله الرحَّمن الرَّحيم

Duullaankii Todobada October: Bilawgii Dhammaadka Maamulka Yuhuudda

Nageeye Cali Khaliif October, 2025

Sannadkii 1897kii, Yuhuuddii ku noolayd qaaradda Yurub waxa ay magaalada Basle ee dalka Switzerland kaga dhawaaqeen Ururweynaha Sahyuuniga Caalamiga ah. Sahyuuniyiintu waxa ay ahaayeen dad rumaysan in Yuhuuddu ay xaq u leeyihiin in ay xukumaan dhulka Falastiin, sidaasidaraaddeedna ay waajib tahay in ay Yuhuudda caalamka oo dhami ay dib ugu midoobaan dhulka Falastiin. Aragtidan waxa taageertay dawladda Ingiriiska sannadkii 1917kii.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Arthur James Balfour ayaa November 02, 1917kii waraaq aad u kooban oo ballanqaad ah u diray Sahyuunigii Lord Walter Rothschild. Waraaqda waxa ku qornaa: Dawladda Ingiriisku waxa ay rumaysantahay in Falastiin ay tahay dhulkii hooyo ee dadka Yuhuudda ah, waxaanay dawladda Ingiriisku ballanqaadaysaa in ay awooddeeda oo dhan isugu gayn doonto si ay riyadan u rumayso.

1 Dhammaadkii dagaalkii koowaad ka dib, dhulka Falastiin waxa uu gacanta u galay gumaysiga Ingiriiska, tanina waxa ay horseedday in kumannaan Yuhuud ahi ay soo galaan dhulka Falastiin. Mudaharaaddo lagu diiddanyahay soo gelitaanka Yuhuudda ee Falastiin ayaa bilaabmay. Markii uu bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunka, xaaladdu way sii xumaatay, ka dib markii hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitler uu gumaad u gaystay Yuhuuddii halkaa ku noolayd. Xilligan waxa bilaabmay in kumannaan Yuhuud ahi ay ka cararaan Hitler, una qaxaan Falastiin. Tanina xaaladda ayay uga sii dartay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa waxa uu Qaramada Midoobay waydiistay in xaaladda la soo faro geliyo.

Bishii November, 1947kii, Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in dalka Falastiin lama meelood loo qaybiyo: Yuhuudda iyo Carabta. Dhismaha maamulka Yuhuudda waxa magaalada Tel Aviv lagaga dhawaaqay maalinnimo Jimce ah, May 14, 1948kii. ‘Xoriyadda Yuhuudda’ waxa ku dhawaaqay hoggaamiyihii Sahyuuniyiinta David Ben-Gurion.

Dawladaha Massar, Suuriya, Jordan, Ciraaq iyo Lebanon ayaa si dhakhso ah weerar ugu qaaday maamulka Yuhuudda ee lagu dhawaaqay. Dagaalkan oo la filaayay in dawladaha Carbeed ay ku adkaan doonaan, taasi ma dhicin waxaana dagaalka ku adkaaday maamulkii Yuhuudda oo taageero ka helaayay gumaysiga

1 Faahfaahinta ka sii raac: https://www.jewishawareness.org/100-years-the-balfour-declaration- 1917-2017/. (Accessed May, 2025).

caalamiga ah. Yuhuuddu waxa ay qabsadeen inta badan dhulka Falastiin. Sida oo kale, waxa ay qabsadeen magaalada dekadda ah ee Falastiin ee Eilat iyo meelo ka mid ah Badda Cas. Kumannaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka cararay gumaadka Yuhuudda ee dhulkoodii xoogga ku qabsaday, waxaanay qaxoonti ku noqdeen dalalka deriska ah.

Dawladaha Ingiriiska iyo Massar waxa ay sannadkii 1936kii kala saxeexdeen heshiis u oggolaanaaya dawladda Ingiriiska in ciidamadeedu ay ilaaliyaan marinka Suez. Heshiiska ayaa dhammaaday sannadkii 1956kii, dawladda Massarna waxa ay diidday in ay dib ugu cusboonaysiiso dawladda Ingiriiska. Madaxweynihii Masaarida Jamaal Cabdinaasir ayaa ku baaqay in ciidamada Ingiriisku ay si degdeg ah uga baxaan marinka Suez, waxaanu qarameeyey marinkaa Suez si dhaqaalaha ka soo xarooda uu ugu dhiso biyo xidheenka Aswan. Tani waxa ay dareen gelisay dawladaha reer galbeedka oo ka cabsi qabay in Jamaal Cabdinaasir uu doonaayo in Carabta oo dhan uu mideeyo, isaguna uu madax u noqdo, ka dibna uu isbahaysi difaac la yeesho xulafada reer bariga ee Shuuciga ah. Haddii ay tani dhacdo, waxa khatar geli kara saliidda ay reer galbeedku ka qaataan Bariga Dhexe. Tallaabadani waxa ay keentay dagaalkii ‘Gacanka Suez’ ee 1956kii.

Dagaalku waxa uu bilaabmay ka dib markii Yuhuuddu ay weerar ku qaadeen dalka Massar bishii October, 1956kii, ka dibna ay qabsadeen Sinai. Sida oo kale, diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa duqeeyey ciidamada cirka ee Massar, ka dibna waxa ay ku soo degeen magaalada dekkadda ah ee ‘port Said’ ee Waqooyiga marinka Suez ee dalka Massar. Dawladaha Maraykanka iyo Midawgii Soofiyeeti ayaa dagaalka cambaareeyey. Maraykanku waxa uu cabsi ka qabay in arrintani ay horseedi karto kacdoon ballaadhan oo reer Galbeedka lagaga soo horjeedo. Sidaasidaraaddeed, waxa uu Ingiriiska, Faransiiska iyo Yuhuudda cadaadis ku saaray in ay ka baxaan Sinai iyo marinka Suez.

Dagaallada Yuhuudda iyo Muslimiinta Carbeed halkoodii ayay ka sii socdeen. Mar kale, waxa dhacay dagaalkii ‘Lixda Maalmood’ ee 1967kii. Waxa ay guushu raacday Yuhuudda. Waxa xigay dagaalkii ‘Yom Kippur’ ee 1973kii. Dagaalkan isagana waxa ay guushu raacday Yuhuudda. Dagaalladan ayaa loo yaqaannaa ‘dagaalladii Carabta iyo Yuhuudda’. Haddaba, sannadkii 1979kii, waxa uu heshiiskii Camp David dhex maray Massar iyo Israa’iil. Heshiiska waxa lagu saxeexay magaalada Washington, bishii March, 1979kii.

Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska waxa ka mid ahaa:

  • Xaaladdii dagaal ee u dhaxaysay Massar iyo Israa’iil ilaa sannadkii 1948kii, way dhammaatay.
  • Israa’iil waxa ay ballanqaadday in ay ciidamadeeda kala baxayso
  • Massar waxa ay ballanqaadday in aanay dib u soo weerari doonin Israa’iil.
  • Maraakiibta Israa’iil way isticmaali karaan Kannaalka

Wixii maalintaas ka dambeeyey, waxa caan noqotay odhaahda tidhaahda ‘dagaal Carbeed oo aanay Massar ku jirin, dagaal maaha’. Tani waxa ay beddeshay wajigii dagaalka. Wixii maalintaas ka dambeeyey, dagaalku waxa uu noqday mid u dhexeeya ‘Yuhuudda oo helaysa taageerada galbeedka iyo Falastiiniyiinta’.

Falastiin waa halbawlaha Muslimiinta caalamka. Waxa ay ku jirtaa gumaysi isir- sifayn ah oo siddeetan jirsaday. Xasuuqani waxa uu soo socday tan iyo markii Falastiin la galiyay gacanta Yuhuudda sannadkii 1948kii. Subaxnimadii hore ee October 07, 2023kii xooggagga hubaysan ee ururka Xamaas ee Cissudiin Al Qassaam waxa ay duullaan aad loo qorsheeyey ku qaadeen deegaamada ay Yuhuuddu xoogga ku haystaan ee dalka Falastiin. Waxa ay xoogagga Al Qassaam gudaha u galeen xuduud beenaadka ay Yuhuuddu samaysteen, waxaanay halkaas ku dileen 1,200 oo qof oo Yuhuud ah, sida oo kalena waxay ay soo qafaasheen boqollaal Yuhuud ah. Weerarkaasi, waxa uu jahawareer ku abuuray maamulka gumaysiga ah ee Tel Aviv.

Hawlgalladan oo loo bixiyay ‘Duufaanta Al Aqsa’ waxa lagu tilmaamay in ay ahaayeen hawlgalladii ugu cuslaa ee ay Falastiiniyiintu qaadaan tan iyo sannadkii 1948kii. Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegey in uu dagaalku u dhexeeyo ‘axmaqnimo iyo ilbaxnimo (Barbarism and Civilization)’. Yuhuuddu, waxa ay bilaabeen duqaymo ay ku qaadeen magaalada go’doonsan ee Qassa. Dhinaca kale, guud ahaan gaalada caalamku waxa ay si weyn ula safteen gumaysiga Yuhuudda. Sidaa oo kale, maamullada xukuumadaha dabadhilidka ah ee ka dhisan dhulalka Islaamka waxa ay ku sifoobeen liidnimo, cabsi iyo aamusnaan ay ceebi weheliso.

Xukuumadaha qaarkood, taageerada ugu badan ee ay Falastiiniyiinta gaadhsiiyaan waxa ay noqotay kafanta dadka dhintay lagu aaso. Duullaankan ayaa ku soo beegmay xilli uu gabagabo maraayay waxa loo bixiyay heshiiska diimaha ee ‘Abraham Accord’. Kani waa heshiis la sheegey in lagu walaalaynaayo diimaha oo Maraykanka, Israa’iil iyo Talisyada Carbeed qaarkood ay hormuud ka yihiin.

Aniguba hiyyiga reer Ciraaq; waw han weynahaye, Taariikhahoodii horey; raaci hilinkiiye,

Mar uun bay haldoorkiyo shacbigu; tuuri heeryada’e,

Massar iyo dadkeedii hurdaa; hiil la soo kiciye,

Mar uun bay hullaabta iska rogi; hanaddadii Shaame, Hanuunkii xaqqiyo diinta iyo; himiladii guusha, Huud iyo mar uun bay Anfaal; dib ugu hawshoone!

Duullaanka cusub ee Qassa ee soo bilaabmay October 07, 2023kii waxa ku shihiiday 66,055 oo qof, waxaana ku dhaawacmay 168,346 oo qof. Tirooyinkani

waa inta ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas, balse waxa jira dad aad u badan oo aan geeridooda la diiwaangelinin. Sida oo kale, waxa duullaankan ku duntay 85% magaalada Qassa, sida ay xoguhu tilmaameen. Burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qassa ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan $53 Billion.2 Shir dhammaadkii bishii February, 2025ka ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya, waxa ay ‘hal erey oo macno leh’ ka odhan kari waayeen hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo nuxurkiisu ahaa: Falastiiniyiinta waa in laga raro marinka Qassa! Waxa fadeexadda sii laba jibbaaray shir kale oo ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Massar horraantii bishii March, 2025ka. Waxa ay sheegeen in ay qayb ahaan aqbaleen qorshaha Madaxweyne Trump in kasta oo ay afgobaadsadeen.

Dagaalkii bilaabmay subaxnimadii October 07, 2023kii waxa ku dhintay inta badan hoggaankii siyaasadda iyo hoggaankii ciidanka ee Xamaas. Intii dagaalkani socday, waxa ay diyaaradi la dhacay Madaxweynihii Iiraan. Waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah. Ka dibna waxa ay Israa’iil mar kale dileen hoggaamiyihii isaga lagu beddelay, Yahya Sinwar. Sida oo kale, waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka reer Lubnaan ee Xisbullaah, Xassan Nasrullah iyo tobannaan ka mid ah hoggaankii ugu sarreeyay ururka Xisbullaah. Dhinaca Yuhuudda, waxa ka dhintay boqollaal ciidamada gumaysiga ah, waxaana ku burburay boqollaal taangiyada dagaalka ah. Dhinaca kale, Yuhuudda dagaalka Qassa waxa kaga baxday lacag ka badan $67.5 Billion bilawgiisii ilaa dhammaadkii sannadkii hore ee 2024kii.4 Haddii ay xogahani dhab noqdaan, burburka dhaqaale ee Yuhuudda gaadhay ayaa ka badan burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qassa ee ay kibirka ku burburisay.

Dhinaca kale, duullaankii ay June 13, 2025ka gudaha dalka Iiraan ku qaadday Israa’iil, waxa lagu dilay saraakiishii ugu sarreeyey hoggaanka ciidamada kala duwan ee Iiraan oo ay ugu horreeyaan Taliyihii Guud ee Ciidamada Iiraan, Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Taliyihii Ciidamada Difaaca Dhulka Iiraan. Sida oo kale, waxa weerarkan lagu dilay wax ka badan siddeed ka mid ah khubaradii farsamada Nuclearka Iiraan, waxaana weerarkan lagu burburiyay qaar badan oo ka mid ah xarumihii Nuclearka Iiraan. Dhinaca kale, waxa la weeraray Xarumaha Ciidamada ee Iiraan. Maalintaas oo kaliya, Israa’iil waxa ay duqaymo ka gaysatay dalalka Iiraan, Suuriya, Ciraaq, Lubnaan, Falastiin iyo Yemen.

2 Waxa aad xogta ka eegi kartaa: https://www.youtube.com/watch?v=LtB7o4SqZH4&list=PPSV. (Accessed March, 2025).

3 Faahfaahin waxa aad ka eegi kartaa: https://www.voasomali.com/a/7998285.html. (Accessed March, 2025).

4 Faahfaahinta ka eeg: https://www.youtube.com/watch?v=pxpVCfoeRGw&list=PPSV. (Accessed June, 2025).

General Wesley Clark oo ka mid ahaa hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada dalka Maraykanka ayaa waraysi uu bixiyay sannadkii 2007dii waxa uu ku sheegey qorshaha dawladda Maraykanka ee lagu doonaayo in lagu burburiyo todoba waddan oo Islaam ah. Waxa uu yidhi:

Toban maalmood ka dib weerarkii September 11, ayaan tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon. Waxa aan la kulmay Xoghayihii Gaashaandhigga Maraykanka iyo Kuxigeenkiisii.

Kulankaas ka dib, waxa aan u soo degay dabaqa hoose si aan u salaamo qaar ka mid ah saaxiibbaday. Mid ka mid ah saaxiibbaday ayaa ii yeedhay. Waxa uu igu yidhi “waxa aanu qaadannay go’aan. Waxa aynu duullaan ku qaadaynaa Ciraaq”. Waxa aan ku idhi “sabab”. Waxa uu yidhi “aniguba ma garanaayo!” Dhawr todobaad ka dib ayaan ka soo laabtay Afgahnistan oo xilligaas duqaymo xooggani ay ka socdeen, ka dibna waxa aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga si aan saaxiibkay mar kale u arko. Saaxiibkay waxa aan ku idhi “wali ma waxa aynu doonaynaa in aynu weerarno Ciraaq”. Ka dibna waxa uu igu yidhi “xaalku intii hore wuu ka sii daranyahay.

Miiskiisa ayuu ka soo qaaday waraaq taallay, ka dibna waxa uu igu yidhi “waraaqdan waxa aan maanta ka soo qaaday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga. Waa warbixin qeexaysa qorshaha aynu ku doonayno in aynu ku burburinno todoba waddan muddo shan sannadood gudahood ah. Waddamadaasi waxa ay kala yihiin Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Iiraan.

Maanta reer Galbeedku dhammaan dawladahan way weerareen. Ciraaq waxa ay reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2003dii. Soomaaliya waxa ay ciidamada Xabashida oo hiil ka haysta reer Galbeedku qabsadeen sannadkii 2006dii, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa Soomaaliya xoog ku haysta ciidamo Afrikaan ah iyo dawladaha reer Galbeedka oo taageero ciidan, mid siyaasaddeed, mid dhaqaale iyo mid farsamaba la garab taagan. Dalka Lubnaan waxa ay Yuhuudda iyo reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2006dii, ilaa maantana weerarkaasi hal maalin muu is taagin. Dalka Liibiya, waxa ay reer Galbeedku weerar cirka ah ku qaadeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana dalkaasi burbur iyo kala daadsanaan ayuu ku jiraa. Dalka Suudaan waxa ay reer Galbeedku jabhado hubaysan kaga fureen dhinacyada oo dhan ilaa ugu dambayntii dalkaas la kala gooyay sannadkii 2011kii. Haddana, reer Galbeedku waxa ay dalka Suudaan wali ka sii wadaan burbur iyo dagaal, iyada oo maanta caasimadda Suudaan ay xabbaddu ka socoto. Dalka Suuriya waxa ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu weerar toos ah ku bilaabeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana wuu socdaa. Ugu dambayntii, waxa ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu gaadheen xilligii ay burburin lahaayeen dalka Iiraan, waxaana bilaabmay wax u eeg duullaankii tooska ahaa ee ay muddada dheer qorshaynayeen. Iiraan maanta waa awoodda kaliya ee gobolka Bariga Dhexe kula loollamaysa Israa’iil.

Israa’iil waxa ay taageero buuxda ka haysataa dawladaha reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Maraykanku waxa uu rumaysanyahay in Israa’iil ay tahay gobol ka mid ah dalkiisa ‘Extension of the United States’. Dhinaca kale, Iiraan waxa ay xulafo muhiim ah ka dhigatay ururrada Xisbullaah, Xamaas iyo Xuutiyiinta. Iiraan iyada oo ururradan taageero ciidan, mid farsamo iyo mid siyaasaddeedba siinaysa, waxa ay ku guuleysatay in ay culays saarto Israa’iil. Dhinaca kale, shirkii dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee G7 ee ka dhacay dalka Canada horraantii June, 2025ka ayaa warmurtiyeedkii ka soo baxay lagu sheegey in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo. Sida oo kale, waxa warmurtiyeedka lagu sheegey in aanay suurtogal ahayn in marnaba ay Iiraan samaysato hub Nuclear ah.

Tan iyo sannadkii 1945kii oo Maraykanku uu tijaabiyay qunbuladdii ugu horaysay ee nuclear ah, guud ahaan adduunka maanta waxa jira sagaal dawladdood oo haysta hubka nuclearka. Dawladahaasi waxa ay kala yihiin Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Waqooyiga Kuuriya. Dawladda Iiraan waxa ay leedahay awoodda ugu ballaadhan ee gantaalladaha ‘missiles’ ee gobolka Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Israa’iil waxa ay haysataa ilaa sagaashan madax oo Nuclear ah.

Todobaadkii labaad, duullaanka waxa si toos ah uga soo qayb galay dawladda Maraykanka. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee US B-2 waxa ay duqeeyeen xarumaha Nuclearka Iiraan ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ay hareerihiisa taaganyihiin Madaxweyne Ku- Xigeenkiisa, Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda iyo Xoghayihiisa Gaashaandhigga ayaa ku faanay in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan xarumaha Nuclearka ee Iiraan.7 Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Maraykanka ee duullaanka ay ku qaadeen dalka Iiraan.8 Dawladda Iiraan waxa ay dhinaceeda gantaallo ku tuurtay saldhigga Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar ee Al Udeid oo ay ku suganyihiin wax ka badan 10,000 oo askari oo Maraykan ah.

5 Faahfaahin ku saabsan dagaalka Iiraan iyo Israa’iil:

https://www.youtube.com/watch?v=0dHqVrq0uP8&list=PPSV. (Accessed June, 2025).

6 Weerarka diyaardaha dagaalka ee dalka Iiraan: https://www.youtube.com/watch?v=fF3xXtL- Qqs&list=PPSV&t=6s. (Accessed June, 2025).

7 Faahfaahin: https://www.youtube.com/watch?v=wuniT72hMAI&list=PPSV&t=3s. (Accessed June, 2025).

8 Faahfaahin ka eeg: https://www.youtube.com/watch?v=NRkYnnoY-4I&list=PPSV&t=60s. (Accessed June, 2025).

9 Faahfaahin waxa aad ka eegi kartaa: https://www.youtube.com/watch?v=6TT9TUmsG7I&list=PPSV. (Accessed June, 2025).

Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuuddu waxa ay badhtamihii September, 2025ka weerar ku qaadeen xubnihii ururka reer Falastiin ee Xamaas u qaabilsanaa wadahadallada Xamaas iyo Yuhuudda ee ku sugnaa magaalada Doha ee caasimadda Qatar. Tallaabadan ay Yuhuuddu qaadday, waxa xigay shirka dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka oo ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar. Dawladaha shirka isugu yimid, way ku dhiirran kari waayeen in ay wax go’aan ah oo Yuhuudda ku liddi ah soo saaraan. Dhinaca kale, Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay shirka Doha ka furmay ‘shimbirayahaw heesa’. Isaga oo uu garabkiisa taaganyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, waxa uu Raysalwasaaraha Yuhuuddu sheegey in duullaan ballaadhan oo ‘tirtirid’ ah uu saacadaha soo socda ku qaadi doono marinka Qassa. Duullaankan ayaa isla markaaba si rasmi ah u bilaabmay. Ujeeddada duullaankan cusub ayay Yuhuuddu ku sheegtay ‘waa in guri aanu ka taagnaanin Qassa’. Dhinaca kale, Yuhuuddu waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay dhisaan waxa ay u bixiyeen ‘Israa’iisha weyn’. Daqiiqadihii uu socday shirka Doha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa bartiisa ‘X’ ku soo baahiyay: Waxa aan ku suganahay caasimadda abadiga ah ee Israa’iil ee Quddus.

Dhinaca kale, Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu isaga oo ka hadlaayay shir jaraa’id, waxa uu wariyeyaashii goobta joogay waydiiyay “Telefoonno ma haysataan”? Wariyeyaashii waxa ay ku jawaabeen: Haa! Ka dibna waxa uu ku yidhi “haddaba ogaada, waxa aad gacanta ku haysataan qayb yar oo ka mid ah Israa’iil”. Hadalkan ayaa loo fahmay farriin hanjabaad iyo digniin ah oo ku socota hoggaamiyeyaasha dabadhilifyada ah ee shirku uga socday Qatar.

Yuhuudda adduunka ku nooli tiro ahaan waxa ay ka yartahay 15 million, dhul ahaanna waxa ay xoog ku haystaan oo ay degganyihiin wax ka yar tobannaan kiiloomitir oo kaliya. Tirada dadka Carbeed waxa ay ka badantahay 450 million. Dawladaha Carbeed waxa ay adduunka kaga yaallaan meeshan ugu muhiimsan. Waxa ay haystaan wax ka badan 50% shidaalka caalamka. Dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka waxa ay tiro ahaan ka badanyihiin 58 dawladdood. Tirada dadka Muslimiinta ah ee adduunka ku nooli waxa ay ka badanyihiin laba Billion.

Shirkii Doha oo ay isugu yimaaddeen wax ka badan 50 dawladdood oo dabadhilif ah, dadka qaarkood waxa ay filanayeen in dawladaha xidhiidhka la leh Israa’iil ay xidhiidhka u jari doonaan, ama in hawada dawladaha Carbeed ama dawladaha Muslimka ah laga mamnuuci doono duullimaadyada Israa’iil ama in culays dhaqaale la saari karo Israa’iil, balse waxba kama soo bixin. Dawladaha Massar, Turkiga, Iiraan iyo Pakistan oo la tuhmaayay, iyaguna jidkii gunnimada ayay ku negaadeen. Guud ahaan burjuwaasiyiintii isu yimid, waxa ay warkooda ku soo

koobeen: Yuhuuddu ha dhacdo! Iyo Maraykanka waxa aanu ugu baaqaynaa in uu Yuhuudda naga maslaxo!

Dhammaadkii September, 2025ka, waxa la qabtay kulankii guud ee Qaramada Midoobay oo ah sannadguuradii 80aad ee asaaska Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo dunidu ay ruxmayso, amar ku taaglaynta Maraykanka iyo Yuhuudduna ay gaadhay heer aan hore loo arag.

Dhammaan dawladaha caalamka oo ay ku jiraan afar dawladdood oo leh ‘awoodda diidmada qaxayan’ oo kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka ayaa aqoonsaday xaqqa jiritaan ee maamul madaxbannaan oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan, laakiin waxa go’aankan diiday Maraykanka, Yuhuudda iyo dhawr dawladdood oo yaryar. Tani waxa ay mar kale muujisay in ‘dahana Maraykanku uu xeerarka oo dhan ka sarreeyo’. Waa tallaabo kale oo daliil u ah in dunida ay wax iska beddeli doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo uu dhiniciisa taaganyahay Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa September 29, 2025ka ku dhawaaqay qorshe halis ah oo la doonaayo in marinka Qassa lagu hoos geeyo maamulka Yuhuudda. Qorshahan oo ka kooban labaatan qodob waxa ka mid ah: Hub ka dhigista Xamaas iyo in maamulka magaalada Qassa lagu wareejiyo xubno shacab ah oo reer Qassa ah oo ay Yuhuuddu kor ka sii maamulaan. Sida oo kale, waxa qorshahan ka mid ah in hoggaanka iyo xubnaha Xamaas ay ka baxaan marinka Qassa ama ay iyaga oo shacab ah hoos joogaan xukunka Yuhuudda.

Waxa sida oo kale, qorshaha ka mid ah in la dumiyo dhammaan godadka iyo qalcadaha dagaal ee ay Xamaas ku leeyihiin marinka Qassa.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu sheegey, haddii ay Xamaas qorshahan aqbali waayaan muddo 72 saacadood gudahood ah, in Maraykanku uu Yuhuudda si buuxda ugu taageeri doono in ay xoog ku qabsadaan marinka Qassa. Dhiniciisa, Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu waxa uu sheegey in Yuhuuddu ay mar walba Qassa la wareegi doonaan, balse kaliya ay Xamaas kala doortaan in xoog lagula wareegto iyo in ay iyagu is dhiibaan oo ay furaha magaalada soo wareejiyaan. Ururka Xamaas ilaa hadda wax jawaab ah kamay soo saarin qorshahan, khubaraduna waxa ay ka digayaan halista ka dhalan karta haddii ay aqbalaan. Qorshahan waxa soo dhaweeyey dawladaha Pakistan, Turkiga, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Qatar iyo Massar.

Dadka reer Falastiin guud ahaan iyo gaar ahaan ururka Xamaas waxa aan leennahay:

Gaaladu waxay maagantiyo; diida gogoshooda, Garbaduubka iyo baanisaha; gees isaga leexsha, Garta eexo iyo liidashada; gooni ka ahaada,

Gooddigu bilaash haw noqdee; ‘mayada’ gaadhsiiya, Gumaysigu in uu daallanyahay; geliya maankiinna, Gobannimada waa loo dhintaa; run ugu geeraara!

###

Halkan Ka Degso Maqaalka Oo PDF Ah.

Halkan Ka Degso Maqaalka Oo Word Ah.

Ama Halkan Ka Dhagayso Maqaalka.

http://calamada1.com/wp-content/uploads/2025/10/Duullaankii-Todobadii-October-Bilowgii-Dhamaadkii-Yahuudda-WQ-Abwaan-Nageeye-Cali.mp3

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Qarxiyay Laamu+Khasaaraha.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-04-1447-Hijri.

Related Stories

Xisbiyada mucaaradsan Deni Oo Si Wayn Uga Hor-yimid heshiiskii ‘Puntland iyo Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Xisbiyada mucaaradsan Deni Oo Si Wayn Uga Hor-yimid heshiiskii ‘Puntland iyo Somaliland’.

October 7, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-04-1447-Hijri.

October 7, 2025
Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Qarxiyay Laamu+Khasaaraha.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Qarxiyay Laamu+Khasaaraha.

October 7, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)

October 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada