Sanado badan kadib, Ergayga gaarka ah ee urur-gaalleedaka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa hawl-gallada saliibiga ah ee Soomaaliya, gaalka lagu magacaabo James Swan ayaa loo wareejiyey dalka Congo.
Xoghayaha Guud ee ururka gaallada Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiyi doona dalka Dimuqraadiga ah ee Congo.
Magacaabistan ayaa ka dhigan in gaalkan si rasmaiya looga beddelay xilkii uu muddada badan kasoo hayay Soomaaliya, kaas oo tiraba laba xilli oo kala duwan loo xil-saaray hagardaamaynta shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Gaal James Swan oo ah dilblomaasi Maraykan ah ayaa bixitaankiisa Muqdisho uu kusoo aadayaa xilli kooxda riddadu ay fashilantay, isla markaana niyad-jab iyo rajo-beel xooggan ay ka muujiyeen kuffaarta caalamku.
Sidoo kale tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli urur-gaalleedka Qaramada Midoobay uu wajahayo dhaqaale la’aan baahsan, qaar ka mida xafiisyadiisii Soomaaliyana uu albaabada isugu dhuftay.