Dowladda Erateriya ayaa mar kale si adag uga jawaabtay damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku xayuubsato xeebaha Badda Cas, iyadoo usbuucyadan u dambeeyey si cad u shaacisay inay qaadayso duullaan ballaaran oo ay doonayso inay kula wareegto qaybo ka mida xeebaha Eretriya.
Bayaan shalay kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eretariya ayaa lagu sheegay in damaca badeed ee Itoobiya uu yahay riyo aan sal iyo raad toona lahayn oo muddooyinkan dambe ay sii xoojiyeen xubno ka tirsan xisbiga Barwaaqo ee uu hoggaamiyo R/wasaare Abiy Axmed.
Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Eratariya ayaa lagu yiri “Saraakiisha Barwaaqo waxay si kibir leh uga hadlayaan riyada ah helista marin-badeed sharci-darro ah, iyagoo ku hadaaqaya in tallaabadani tahay mid aan laga fursan karin oo muddo badan ay ku taamayeen, Waxaanay gaareen ilaa heer ay yiraahdaan, haddii Badda Cas lagu heli waayo diblomaasiyad, xoog ayaa lagu heli doonaa.”
Dowladda Eretariya waxay tallaabadan ku sifaysay isku-day sharci-darro ah oo lagu marin-habaabinayo bulshadda Itoobiya, loogana dhigayo Himilo Qaran, taas oo laga dhaxli doono ayay tiri Eratariya cawaaqib-xumo uga sii dari doonta xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiya, isla markaana saamayn ballaaran ku yeelan doontaa gobolka oo dhan.
Eratariya waxay xustay in saraakiisha Itoobiyaanka ah ee muddooyinkan dambe fagaarayaasha kaga hadaaqayay hadalladan gefka ah ay yihiin kuwo uu xishoodkii ka dhammaaday isla markaana doonaya inay damacoodan ku xaqiijiyaan si indho la’aan ah, iyagoo soo xiganaya cutubyada ugu madow ee taariikhda casriga ah ee gobolkan, sida xilligii dhul-ballaarsiga ee xoogga iyo sharci-darrada wax lagu kala qaadan jiray.
Dawladda Eretariya waxay u soo jeedisey dawladda Xabashida Itoobiya in ay joojiso damaca gurracan iyo taariikhda beenta ah ee ay ku marin-habaabinayso bulshadadeeda isla markaana ay ku mashquusho dhibaatooyinka baaxadda leh ka aloosan gudaheeda.
Istaraatiijiyaddan sharci-darrada ah ee Itoobiya ay qaadatay ayay Eretriya ku tilmaantay dhacdo halis ah oo aan ku koobnaan doonin xuduudaha Itoobiya, balse uga sii dari doonta xaaladda gobolkan jilicsan ee qalalaasuhu ay hareeyeen. Waxaanay abuuri doontaa ayaa la yiri kalsooni-darro ka dhex bilaabanta dalalka gobolka.
Bayaanka Eretariya ayaa imanaya xilli Itoobiya ay dhawaan xariga ka jartay mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda, isla markaana ay shaacisay inay isku diyaarinayso duullaan ballaaran oo millateri oo ay doonayso inay ku qabsato qaybo ka mida xeebaha Eretariya, gaar ahaan dekedda Casab.