Maqaal lagu daabacay mareegta khaaska ah ee wasaaradda warfaafinta Eretriya ayaa looga jawaabay hadallo dhawaan uu jeediyey R/Wasaaraha Itoobiya, oo ku saabsanaa awoodda ciidanka Itoobiya iyo damaciisa gurracan ee uu ku raadinayo marin uu ka helo biyaha Badda Cas.
Abiy Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu samaystay ciidan gaar ah oo ka hawl-geli doona badaha Soomaaliya ilaa Ereteriya, sheegashadaas ayuu maqaalku ku sifeeyey mid aan ku salaysnayn xaqiiqada dhabta ah iyo waaqica ka jira gudaha Itoobiya.
Qormadan ayaa lagu sheegay in ciidanka maamulka Abiy Axmed si ba’an loogu jebiyey dagaallada qaraar ee ka socda gudaha Itoobiya, isla markaana gacanta looga dhigay kumanaan askari.
“Ciidankan la buunbuuniyay ayaa ilaa hadda awoodi waayay inuu nabad waarta ka abuuro gudaha dalkiisa Itoobiya, iskaba daa inuu awood ku muujiyo ama uu ku gaaro xeebaha Badda Cas…” ayaa lagu yiri maqaalkan ay daabacday Wasaaradda Warfaafinta Eretriya.
Sida lagu xusay maqaalka, heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland ayaa la sheegay in Itoobiya ay ku salaynayso hamigeeda ah in gobolka ay ku yeelato awoodda ugu sarreysa, taas oo walaac xooggan ay ka muujiyeen isla markaana ay ka dhiidhiday ummadda Soomaaliyeed.
Maqaalka ayaa ugu dambayn, ruwaayad siyaasadeed ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray Abiy Axmed, waxaanu ka digay halis ku timaadda xasilloonida gobolka, maadaama oraahyadaasi ay xad-gudub ku yihiin ayuu yiri madaxbannaanida dhuleed iyo tan badeed ee dowladaha deriska ah.