Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii ciidamada mujaahidiintu maanta kula wareegeen deegaanka Ceel-hareeri ee dhaca duleedka Moqokori ee bariga wilaayada islaamiga Hiiraan, waxayna dhimashada murtadiinta gaartay 7 askari, halka dhaawacana uu marayo 15 kale.
Waxay wadarta guud ee dhimashada iyo dhaawac murtadiinta sidaas ku noqdeen 22 isugu jirta saraakiil iyo askar murtadiin ah, waxaana murtadiinta dagaalkaasi lagu dilay ka mid ah, Cabdi Xuseen Kumi oo ahaa sarkaal ashahaada la dirir ah iyo Muuse Boolow Guure.
Sidoo kale maleeshiyaadkii murtadiinta ee dagaalkaasi lagu dhaawacay waxaa ka mid ah, Daahir Maxammed Sabriye Iley, Cabdullaahi Xuseen Bool, Muumin Yuusuf Afraxow, Cismaan Sabriye Xareed oo ah sarkaal ciidan, Ciise Muxumed Saraawe (Ciise Beerlaab) iyo Cabdi Cabdullaahi Toosane.