
Waxaa sii kordhaya khasaaraha murtadiinta murtadiinta kasoo gaaray weerar cagmarin ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin shalay ku qaadeen labo xero oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga sugnaayeen deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.
Weerarka cagmarinta ah waxaa dhinac socday weerar kale oo dhabba-gal ah, kaasi oo ciidamada mujaahidiintu ay ku beegsadeen kolanyo maleeshiyo murtadiin ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Baydhaba, maleeshiyadan kamiinka kusoo dhacay ayaa ugu dambayn lagu qasbay inay dib u laabtaan iyaga oo dhabarka ku sita khasaare kala duwan.
Khasaaraha dhimasho ee weerarka tooska ah iyo midka jidgalka ah waxay gaartay 23 murtad, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 36 kale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigeen maxaabiis murtadiin ah iyo hub kala duwan iyo agabyo kuwa ciidanka ah.
Waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah murtadiinta weerarka lagu dilay, waxaana ka mid ahaa, Miris Isxaaq Baraar oo ahaa taliye ku xigeenkii Taraafikada gobolka Baay, Maxamed Leezi oo isagana ahaa sarkaal xidigle ah, Nuurow Shiimow oo ahaa sarkaal Kabtan ah.
Dhaawacyada murtadiinta oo 36 xubnood ah waxay isugu jiraan saraakiil iyo askar, waxaana ka mida sarkaal Xidigle ah oo lagu magacaabo Iimaan, howlgalkan ayaana kusoo dhamaaday si guul ah iyo jab laxaad leh oo la gaarsiiyay murtadiintii ku sugnaa Burujeed.