Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Camaliyad Istish-haadiyo ah oo ka dhacday gudaha magaalada Gaalkacyo ee bartamaha dalka Somalia.
Camaliyaddan Istish-haadiyada waxey sigaar ah kaga dhacday dhanka Konfureed ee magaalada Gaalkacyo taasi oo lala beegsaday kolanyo galbineysay saraakiil ka tirsan kooxda Ridada Somalia.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan Toban Murtad iyo dhaawaca Konton Murtad kuwaasi oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan Ridada.
Dhaawacyada Saraakiisha iyo askarta kooxda Ridada ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Murtad Jeneraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo ah taliyaha ciidamada lugta dowladda Ridada federaalka ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha guutada 21aad ay si dirqi ah uga badbaadeen weerarkan lagula beegsaday magaalada Gaalkacyo.