Dagaal lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee dhaca bariga Wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Khasaaraha dhimasho ee maleeshiyaadka murtadiinta ah ku gaaray dagaalladii shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori waa hal murtad, kaasi oo lagu magacaabi jiray Geedi Yuusuf Barrow, halka dhaawacana uu yahay 4 kale oo murtadiin ah.
Toddobaadkan duleedka degmada Moqokori ayaa martigeliyay dagaallo culus oo dhammaan intii ay socdeen Allaah fadligiis lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana dagaalladaas oo ahaa kuwa culus dhimasho iyo dhaawac ku noqday boqollaal askari oo murtadiin ah.