Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo xooggan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Baladxaawo una dhaxeeyey maleeshiyaad murtadiin ah oo kala taabacsan maamulka Riddada ee Jubbaland, iyo kooxda Riddada Soomaaliya.
Dagaallada ayaa yimid kaddib markii shaley uu magaaladaasi gaaray murtad Cabdirashiid Janan oo dhawaan kooxda Riddada Soomaaliya usoo magacowday taliyaha NISA ee Gedo.
Maleeshiyaadka taageersan Jubbaland ayaa weerar ku qaaday diyaaradda keentay murtad Janan, waxaana kadib weerarkaasi uu isku badalay dagaal xooggan oo magaalada gudaheeda ku faafay oo labada dhinac dhexmaray.
Murtadiinta taabacsan Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyntii la wareegay gacan ku heynta magaalada Baladxaawo, iyadoona dhinaca kale dagaal looga saaray magaalada, kuwaasi oo markii dambe isugu tagay xero lagu magacaabo UK oo ku taalla duleedka magaalada.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaaladaasi ku dhintay ku dhaawad ilaa 10 qof, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeeen, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dhinacyadii dagaallamayey.
Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah guddoomiyaha Gedo ugu magacaaban maamulka Ridada ee Jubbaland oo ku sugan magaalada Baladxaawo ayaa sheegay inay ka adkaadeen kooxihii uu soo diray Xasan Gurguurte.
Xaaladda magaalada Baladxaawo ayaa wali kacsan, waxaana labada dhinac soo kala gaaraya gurmadyo kala duwan, iyadoona la filan karo inuu markale uu halkaasi dagaal ku dhexmaro dhinacyada dagaallamay.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baladxaawo ayaa shaley isaga barakacay magaalada, kadib markii qeybo kamid ah xaafadaha magaaladaasi ka kooban tahay ay kusoo dhaceen qaar kamid ah madaafiicdii labada dhinac isweedaarsadeen.