Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Rag hubeysan ayaa xalay xaafadda New Boosaaso waxay ku dileen sarkaal katirsanaa sirdoonka maamulka isku magacaabay Puntland gaar ahaan qeybta dekadda caalamiga ee Bandar Qaasim.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Axmed Faarax ayaa caan ka ahaa magaalada Boosaaso waxayna si aad ah isugu dhawaayeen mas’uuliyiinta ugu saraysa maamulka Ashahaado la dirirka ‘Puntland’.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Axmed Faarax oo kamid ahaa saraakiisha sirdoonka BS-ta, Bishan gudaheeda ayay XSHM dhowr howlgal oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo ka fulisay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.