Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka fuliyeen gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan waxey ciidamada Mujaahidiintu ku dileen Labo askari oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Ridada Soomaaliya gaar ahaan qeybta dharcadka waxeyna Mujaahidiintu Labadaas askari ee ay dileen ka ganiimeysteen Labo Biskoolad oo ay ku hubeysnaayeen.
Isla howlgalkaas waxey ciidamada Mujaahidiintu ku dhaawaceen Labo askari oo ah isla maleeshiyaatka jawaasiista dharcadka ee caanka ku ah dhibaateynta dadka shacabka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey maalmihii lasoo dhaafay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyagoona si gaar ah u beegsanaya saraakiisha iyo askarta dowlada federaalka.
Calamada.com