Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday Kolanyo ka tirsan Ciidamada Shisheeyaha Afrikaanta ah.
Qaraxan lala beegsaday Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Danow iyo Kabtan Laas oo ka wada tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxan waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Kufaarta Uganda waxaana lagu dhaawacay Afar kale oo wada ah askarta Kufaarta Afrikaanta.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waqti walbo ugaarsi xoogan ku haya askarta Kufaarta iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta ee Kabo Qaadka u ah Shisheeyaha soo duulay.
Calamada.com