Kolanyo ka tirsan Ciidamada Shisheeye ayaa qaraxyo lagula beegsaday Wadada dheer ee isku xirta Degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho.
Qaraxa hore waxa uu ka dhacay Deegaanka Cali Yaale oo ah deegaan dhaca Wadada isku xirta Degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa haleelay Gaari Gaashaaman oo Taw ah kaasi oo gabi ahaan goobta ku burburay, Waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Burundeyska ee la socotay gaarigaasi.
Qaraxa kale ayaa ka dhacay duleedka Degmada Balcad waxaa qaraxan sidoo kale lagu burburiyay Gaari ah, Askartii la socotay Gaariga ayaa isla goobta ku halaagsamay.
Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Saliibiyadda Burundi ay qiratay in askar badan looga laayay Qarax Maalin ka hor ka dhacay isla duleedka degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Calamada.com