Wilaayaatka Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay qaraxyo khasaare gaarsiiyay ciidamo katirsan kuwa uu tababaray Maraykanka iyo kuwa maamulka Hir Shabeelle.
Wararka ka imaanaya degmada Wallaweyn ee Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwa Soomaalida ah ee uu tababaray Maraykanka qarax lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Warmaxan.
Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay gaari nooca Cabdi bile ah, halka uu mid kalena waxyeello gaarsiiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarnaa gaariga.
Inta haatan la xaqiijiyay 4 askari ayaa goobta ku dhintay oo katirsan kuwa uu Maraykanku tababaray, waxaana dhaawacmey 10 kale.
Qaraxa kale waxa uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Hir Shabeelle.
Ugu yaraan 4 askari ayaa dhaawacantay, waxaana dhaawacyada qaar laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda Qaraxyadan.