Waxaa Sii kordhaya Khasaaraha Mareykanka lagu gaarsiiyay Camaliyad Istish-haadiyo ah oo ka dhacday Gudaha Magaalada Kaabul ee Caasimadda Dalka Afghanistan.
Camaliyaddan waxaa Fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kaasi oo lagu magacaabo Muxamed Al-kaabuuli kaasi oo beegsaday Kolanyo ay la socdeen Saraakiil sare oo American ah.
Bayaan kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan kuna saxiixanyahay Afhayeenka Imaarada Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayey Imaaradu ku xaqiijisay In Camaliyaddaasi Istish-haadiyada ah lagu dilay Sagaal Sarkaal oo American ah laguna burburiyay Labo Gaari oo ay la socdeen Saraakiishaasi.
Camaliyaddan ayaa kusoo aadeysa Xilli Maalmo ka hor Camaliyad Istish-haadiyo ah Oo Imaarada Islaamiga Afghanistan ka fulisay gudaha Magaalada Kaabul ay ku dishay Saraakiil American ah oo ka tisan CIA-da Mareykanka.
Calamada.com