Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo maanta ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab kula wareegeen gacan ku haynta deegaana lagu magacaabo Mooro-erri oo hoostaga degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayay mujaahidiintu kula wareegeen taliska ay maleeshiyada Riddada ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Mooro-erri ee duleedka degmada Moqokori ee wilaayada Hiiraan, dhimashada murtadiinta ee weerarkaasi waa 8 askari, halka dhaawacana uu gaaray 12 kale.
Maleeshiyada murtadiinta ee maanta lagu dilay weerarkasi waxaa kamid ah: 1-Cabdullaahi Cali Shiilow, 2-Muuse Gadiid Cadow, 3-Cali Cusmaan Xasan (Xuurshow), 4-Cusmaan Xuseen Xareed iyo 5-Cabdullaahi Xuseen Sanweyne.