Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo saaka ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo lala eegtay saraakiil iyo maleeshiyo ka tirsan sirdoonka kooxda Riddada ee NISA loogu yeero.
Qaraxa oo ahaa mid culys ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Suuqa-xoolaha degmada Heliwaa ee Muqdisho kaasoo lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyada Ridada gaar ahaan kuwa sirdoonka ee (NISA), waxaana qaraxa ku dhintay 3 askari oo murtadiin ah, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaa xusid mudan in murtadiinta qaraxa ku dhaawacantay uu ka mid yahay raliyaha sirdoonka kooxda Riddada ee (NISA) ugu magacaaban degmada Kaaraan murtadka lagu magacaabo Ismaaciil Cali Yare.