Waddanka Itoobiya waxaa ka socda dagaal dhowr jiho ah oo isugu jira mid u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo jabhadaha hubeysan ee ka gows adeegay in ay hoos tagaan nidaamka Abiy Axmed, iyo dagaalka Sokooye ee ay birta isaga aslayaan qowmiyadaha kala duwan ee dega dalkaasi.
Wararka ka imaanaya gobolka Oromia ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan jabhadda hubeysan ee mucaaradka Fano ay inka badan 25 qof oo rayid ah ku dileen deegaan ka tirsan gobolka galbeed ee Shewa.
Dadka degmada Nono ee gobolka galbeed ee Shewa ee ismaamulka Oromia, ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in inka badan 25 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay weerar hubeysan oo 19-kii bishan Oktoobar maleeshiyaadka Axmaarada Fano ka fuliyeen deegaan hoostaga degmadaasi.
Qof ka mid ah dadka ku dhaqan Nono oo sababo amni u doorriyay magaciisa, looguna yeeray Ibsa Jamal, ayaa wargeyska lagu magacaabo Addis Standard u sheegay in weerarka uu ahaa mid laga soo qaaday Gurage, si gaar ahna degmada Abishgee, ee ku taalla gobolka bartamaha Itoobiya, weerarka ayuu sheegay in uu si gaar ah u beegsaday dad ku dhaqan tuulada Allo Dinki ee hoostagta degmada Nono.
Wuxuu tilmaamay in weerarku ahaa mid aysan dableydu u meel dayin oo si aan kala sooc lahayn u beegsaday dadka rayidka ah, isaga oo ka hadlayay weerarka ayuu yiri “Maleeshiyaadku waxay ka soo gudbeen dhanka degmada Abishgee, waxayna galeen guryo ay dadka deegaanku degan yihiin, waxayna dileen waayeel, carruur, iyo haween uur leh — cidna ma aysan daynin.”
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in goobta uu weerarku ka dhacay ay horay u ahayd meel nabdoon oo ammaan ah, balse tan iyo markii ay dagaalyahannada Fano halkaas soo galeen, ay cabsi soo wajahday dadka rayidka.