Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Farmaajo Oo Kooxda Gurguurte Ku Eedeeyey maandooriyeyaal Ay Soo Geliyeen Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Farmaajo Oo Kooxda Gurguurte Ku Eedeeyey maandooriyeyaal Ay Soo Geliyeen Somalia.

November 23, 2025

Madaxii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya Murtad Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshadda ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaanu eedayn culus u jeediyey kooxda Villa Somaliya.

Waxa uu sheegay murtadkani in dhaqaalihii dalku uu si weyn u baaba’ay, dadkuna ay haatan ku jiraan xaalado is-barkan oo aad u adag, isla markaana heerka macaluusha ee dalka ka jirtaa ay marayso halkii ugu saraysay.

Badi, dadka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayuu tilmaamay in aanay dabooli karin nolol-maalkooda, isagoo sheegay in qaarkood ay maalintii wax cunaan hal mar oo kaliya, halka qaar kalena uu ka dhawaajiyey in si maalin-dhaaf ah ay wax u quutaan.

Murtad Farmaajo oo caweysinkii xalay ka hadalayay fagaare ku yaal Muqdisho, ayuu sidoo kale sheegay in muddadii uu joogay magaalada uu ogaaday mugdi badan oo hareeyey nolosha dadweynaha, isagoo xusay in xaaladdoodu ay kasii liidato xilligii qab-qableyaasha dagaalku ay haysteen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale murtadkani waxa uu soo hadal-qaaday duruufta qallafsan ee ku gedaaman dadkii shacabka ahaa ee murtad Gurguurte uu ka barakiciyey guryahooda, waxaanu sheegay in dadkaasi ay ku bayhoofayaan gudaha magaalada oo aanay haysan meel ay nolol ka raadsadaan.

Intii uu murtad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku gudo-jiray hadalkiisa, waxa kale oo uu shaaciyey in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Murtad Gurguurte ay si toos ah dalka u soo geliyaan maandooriyeyaal kala duwan oo tiro-beel ah.

Hadalka kasoo yeeray murtadkan ayaa imanaya xilli dadka iyo dalkaba ay xaalufin ba’an ku hayso kooxda u caynsan saliibiyiinta ee majaraha uu u hayo murtad Gurguurte, kuwaas oo muddooyinkan u dambeeyeyna sii laba-jibbaaray boobka iyo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-06-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-06-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-Ramadaan-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-Ramadaan-1447-Hijri

March 2, 2026
Akhriso Xogta Xildhibaan Kenyan Ah Iyo Rakaab Kale Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Xildhibaan Kenyan Ah Iyo Rakaab Kale Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed.

March 2, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 12-aad}.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 12-aad}.

March 2, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada