Madaxii hore ee kooxda Riddada Soomaaliya Murtad Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshadda ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaanu eedayn culus u jeediyey kooxda Villa Somaliya.
Waxa uu sheegay murtadkani in dhaqaalihii dalku uu si weyn u baaba’ay, dadkuna ay haatan ku jiraan xaalado is-barkan oo aad u adag, isla markaana heerka macaluusha ee dalka ka jirtaa ay marayso halkii ugu saraysay.
Badi, dadka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayuu tilmaamay in aanay dabooli karin nolol-maalkooda, isagoo sheegay in qaarkood ay maalintii wax cunaan hal mar oo kaliya, halka qaar kalena uu ka dhawaajiyey in si maalin-dhaaf ah ay wax u quutaan.
Murtad Farmaajo oo caweysinkii xalay ka hadalayay fagaare ku yaal Muqdisho, ayuu sidoo kale sheegay in muddadii uu joogay magaalada uu ogaaday mugdi badan oo hareeyey nolosha dadweynaha, isagoo xusay in xaaladdoodu ay kasii liidato xilligii qab-qableyaasha dagaalku ay haysteen magaalada Muqdisho.
Sidoo kale murtadkani waxa uu soo hadal-qaaday duruufta qallafsan ee ku gedaaman dadkii shacabka ahaa ee murtad Gurguurte uu ka barakiciyey guryahooda, waxaanu sheegay in dadkaasi ay ku bayhoofayaan gudaha magaalada oo aanay haysan meel ay nolol ka raadsadaan.
Intii uu murtad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku gudo-jiray hadalkiisa, waxa kale oo uu shaaciyey in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Murtad Gurguurte ay si toos ah dalka u soo geliyaan maandooriyeyaal kala duwan oo tiro-beel ah.
Hadalka kasoo yeeray murtadkan ayaa imanaya xilli dadka iyo dalkaba ay xaalufin ba’an ku hayso kooxda u caynsan saliibiyiinta ee majaraha uu u hayo murtad Gurguurte, kuwaas oo muddooyinkan u dambeeyeyna sii laba-jibbaaray boobka iyo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.