Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin markii ay cagta mariyeen xeryihiin ciidanka Riddada ee deegaanka Jaziiradda Kudhaa ee wilaayada Jubbada hoose, lana wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, ayay baacsanayaan firxadka maleeshiyada Riddada.
Maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubaland, ayaa markii lagu jabiyay deegaanka Jaziiradda Kudhaa, waxay u firxadeen dhanka magaalada Buurgaabo, halkaas oo ciidamada mujaahidiintu ku baacsanayaan firxadka murtadiinta.
Weerarkan xasminta ah ee ciidamada mujaahidiinta saaka kula wareegeen gacan ku haynta jaziiradda muhiimka ah ee Kudhaa waxay mujaahidiintu ku dileen maleeshiyo badan oo murtadiin ah, kuwaas oo maydadkoodu daadsan yihiin goobihii lagu dagaallamay, halka tiro maxaabiis ahna gacanta lagu dhigay.
La soco wixii soo kordha Insha’Allaah.