Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee saaka weerarka cagmarinta ah ku ekeeyay saldhigyada murtadiinta ee magaalada Masaajid-gaduud, ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay guud ahaan magaaladaasi.
Maleeshiyadii murtadiinta ee lagu jebiyay dagaalka saakay ka dhacay Masaajid Cali Guduud ayaa u firxaday dhanka deegaanka Geelgub oo qiyaastii 10 km u jiraa deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale, halkaas oo ay ciidamada mujaahidiintu ku weerareen firxadka Riddada.
Ciidamada mujaahidiinta waxaa Allaah fadligiis u suuragashay inay la wareegaan deegaanka Geelgub ee wilaayada Sh/dhexe, kaddib markii ay halkaas kasii carareen maleeshiyadii Riddada ahaa ee ka soo firxaday dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Masaajid Cali-guduud.