Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo Saacadihii lasoo dhaafay Kolanyo ka tirsan Ciidamada Burundi lagula beegsaday qeybo ka mid ah Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Labo Qarax oo aad u xoogan ayaa lala beegsaday Kolanyo Kufaarta Burundi ah oo ku socdaalayay duleedka Degmada Balcad, Iyadoo Dhawaaqa qaraxyadan si aad ah looga maqlay Deegaano badan oo ka tirsan Shabeelada Dhexe.
Gaari Xamuul ah iyo Mid Taw ah ayeey Labada qarax kala haleeleen, Iyadoo gabi ahaan isla goobta ay ku basbeeleen Labadaasi Gaari.
Sidoo kale waxaa qaraxyada Baqti iyo dhaawac ku noqday Askartii Burundeyska ee la socotay Labadaasi Gaari.
Saraakiil iyo askar fara badan oo Burundeys ah ayaa ku halaagsamay Weeraro xoogan oo Waqtiyo kala duwan Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen Wadada dheer ee isku xirta Degmada Jowhar iyo Magaalada Muqdisho.
Calamada.com