Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Maxamuud (Beeryare).
Dilkaan ayaa ka dhacay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa, wuxuuna yimid kadib markii kooxo burcad oo kasoo jeeda dalkaasi ay isku dayeen inay dhacaan goob ganacsi oo uu lahaa ninka Soomaaliga.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kooxaha dilka geystay ay dhac u geysteen goobtii ganacsi Soomaaliga lahaa, kadibna ay baxsadeen.
Dilalka ka dhanka Soomaalida ganasiyada ku heysata Koonfur Africa ayaa ku sii kordhaya magaalooyinka dalkaasi, xilli sanadkaan gudihiisa la dilay in ka badan 20 ruux oo Soomaali ah.