Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay ruux Soomaali ah, falkan ayaana si gaar ah uga dhacay deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Cape Town .
Maxamuud Cabdi Cismaan ayaa ah ganacsadaha la toogtay, waxana wararku sheegayaan in lagu dhax dilay goobtiisa ganacsi.
Booliska Koonfur Afrika oo dhacdada kadib goobta soo gaaray ayaa baartitaano ay sameeyeen aysan kasoo bixin wax natiijo ah, ganacsadahaan ayaana in mudo ah ku ganacsanayay dalkaasi.
Bishii Lasoo dhaafay ayeey aheyd markii sidaan oo kale ganacsato Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dlay wadanka Koonfur Afrika, iyaga qaarkood labooay goobahooda ganacsi
Ilo wareedyo ayaa sheegay in ganacsatadu Booliiska dalkaasi u gudbiyeen cabasho ka dhan ah dilalka iyo boobka sida gaarka ah loogu hayo dadka Soomaaliyee iyo dilaalka , waxaana xusid mudan in Booliiska lagu eedeeyo in dhibaatadan joogtada ah uu qayb ka yahay.
Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilaalka sid ajoogtada ah looga gaysanayo dalka Koonfur dadka Soomaalida ah, sanadkasta ayaana lasoo diiwaangaliyay dilaalka tobanan ganacsato ah oo sidoo kale la boobo hantidooda.