Kadib kulan ay xalay yeesheen waxa loogu yeero golaha amaanka ee gaalada ee Qaramada Midoobe ayeey kusoo saareen qaraar ay sheegeen in lagu soo afjarayo dagaalka magaalada Gaza, kaas oo golaha ay horgeeysay dowlada saliibiyada ah ee Maraykanka ah.
Gaaalada Qaramada Midoobe ayaa soo jeedisay in la dhiso ciidamo caalami ah oo isku dhafan oo qidaaca ka howlgala ilaa sanada 2027, kuwaas oo ay kormeerayaan maamulka Yahuuda iyo dowlada ridada Masar.
Waxay sidookale ku baaqeen in ciidamadaani kasocda Qaramada Midoobe ee la gaynayo marinka ay sii joogaan ilaa magaallada Gaza hubka laga dhigayo Kooxaha Muqaawamaduna ay ka noqonayaan kuwa sacabooley ah.
Sanada 2027 marka la gaaro ayeey sheegeen in maamulka magaalada lagu wareejinayo maamulka dabadhilifka ah ee Maxamuud Cabaas halka sano ee soo socotana ay ku tabarayaan ciidamada maamulkaasi.
Koxoaha Muqaawamada Filistiin ayaa durba ka falceliyay taallabadaasi uu qaaday golaha amaanka ee gaaalada Qramada Midoobe iyaga oo gaashaanka udaruuray sheegayna in aysan aqbali doonin in ciidamo shisheeye la keno Gaza.
Arintaani oo ay kasoo shaqeeyeen maamulka Yahuuda iyo dowlada saliibiyada Maraykanka ayaa waxaa ucodeeyay ilaa 13 dowladood halka ay diideen dowladaha Shiinaha iyo Ruushka.