Sida uu daabacay wargeyska Addisstandard, guddiga doorashooyinka Itoobiya ee (NEBE) ayaa si rasmi ah uga saaray xisbiga TPLF liiska xisbiyada ka diiwaangashan gudaha waddankan.
Sida warbixintu ay sheegeyso go’aankan ayaa yimid kadib markii TPLF uu ku guuldareystay iney fuliso shuruudo uu guddigu ku xiray markii la diiwaangeliyay bishii Agoosto sannadkii lasoo dhaafay 2024.
Shuruudahaasi waxaa ka mid ahaa qabashada shirweyne guud muddo lix bilood gudahood taasi oo aysan TPLF kasoo bixin iyadoona uu gudiga doorashooyinka Itoobiya ka carooday arrinkaas sida lagu waramayo.
Markale TPLF ayaa la siiyay waqti kama dambeys ah bishii Febraayo 2025, balse wax tallaabo ah ma qaadin, guddiga ayaana si cad markan u sheegay in xisbiga TPLF uusan la imaan wax isbeddel ah, sidaas darteedna laga xayuubiyay sharciga iyo xasaanadii uu waddanka ku dhax lahaa.
TPLF dhankeeda waxay sheegtay inaysan aqbalin waxa uu ku dhaqaaqay guddiga doorashooyinka Itoobiya tanina ay jabineyso heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la gaaray sanadkii 2022-kii.
Go’aankan ayaa guud ahaan dhulka la galay awooddii TPLF waxayna tani u muuqataa mid dhalin doonta tallaabo militari oo markale qaraxda iyo dhinacyadu ay isku hilboobaan si ka daran wixii horay u dhacay.