Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday masuul ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka ee Puntland kaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Maxamuud Cismaan Aadan oo ah guddoomiyaha maxkamadda racfaanka maamulka la magac baxay Puntland ugu magacaaban gobolka Mudug ayay Mujaahidiintu la eegteen qaraxa xilli uu ku sugnaa dhanka waqooyi ee magaalada waxaana qaraxa ka dhashay khasaare kala duwan.
Sida xogta lagu helayo guddomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland ayaa si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa waxaana goobta ka dhashay waxyeello xooggan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabi ahaanba uu goobta ku basbeelay gaariga guddoomiyaha la beegsaday waxaana uu weerarkan kusoo beegmayaa xilli muddooyinkii dambe ay sii xoogeysteen weerarada ay Mujaahidiintu ka fulinayaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Calamada.com