Qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay Mujaahidiintu la beegsadeen masuul ka tirsan dowladda ridada federaalka.
Qaraxa oo ka dhacay galbeedka magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay guddoomiyaha dowladda ugu magacaaban deegaanka Garasbaaley murtadka lagu magacaabo Maxamed Abuukar Afrax oo loo garan ogaa (Bidaar).
Ilo wareedyo xog ogaal ah waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay masuulka iyo 2 ka mid ah ilaaladiisa iyo dhaawaca 2 kale oo ilaalada guddoomiyaha ka mid ah.
Mujaahidiintu waxay dhowr bil ka hor qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ku dileen guddoomiyihii kan ka horreeyay ee Garasbaaley ugu magacownaa dowladda federaalka murtadka lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Garyare Bidaarna waxa uu ka dhigan yahay guddoomiyihii labaad oo sannad gudihiis shabaabul Mujaahidiin ku khaarajiyaan masuuliyiinta maamulka Banaadir ugu magacaaban deegaanka Garasbaaley.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com