Wararka ka imaanaya dagmada Afgooye ee gobolka Shabeellada-hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad murtadiin ah, kaasi oo geestay khasaare kala duwan.
Maleeshiyaad muran soo kala dhaxgalay ayaa laso warinayaa inay goobta ku dagaalalmeen iyaga oo in muddo ah isku adeegsanayay rassaas xoogan.
Waxaa goobta ay ku dileen mid kamid ah xubnaha maamulka Riddada ee degmada Afgooye, kaasi oo ahaa guddoomiye waaxeed lagu magacaabi jiray Yaabiye Bare Abuukar.
Maleshiyaadka dagaallamay ayaa isku khilaafay hub ay wateen, waxay taasi keentay inay laba garab ukala jabaan oo ku dhex dagaallamaan dadyow badan oo rayid ah.
Ma ahan marii ugu horraysay oo maleeshiyaaf murtadiin ah ku dagaallamaan dagmada Afgooye , waana dhaqan iyo caado ay leeyihiin inay isdilaan markasta oo uu khilaaf soo kala dhexgalo.