Murtad C/rashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo ah guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Daaquudka ah ee maamulka Riddada Puntland ayaa eedayn culus u jeediyay murtad Siciid Cabdullaahi Deni oo uu khilaaf kala dhaxeeeyo.
Abwaan oo cisbitaal kuyaal Laascaanood ku booqanayay dhaawacyada askar taabacsan kooxda Riddada Xasan Gurguurte oo kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in Saciid Deni uu si gaar ah u adeegsado maleeshiyo ay gacanta ku hayso dowladda Riddada Imaaraadka Carabta.
Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka (PMPF) loogu yeero oo ah murtazaqo si gaar ah u hoostaga Imaaraadka uu Siciid Deni u adeegsado qamcinta dadka isaga kasoo horjeeda, wuxuu sheegay inay maleeshiyadaas hore weeraro uga gaysteen maleeshiyadaasi magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyaga oo ku duula amarka Deni.
Hadalka kasoo yeeray murtad Yuusuf Jibriil (Abwaan), ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan dagaal dhexmaray maleeshiyo taabacsan kooxda Gurguurte iyo maamulka Deni uu ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, kaasi oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.