Murtad Cabdirashiid Yuusuf Abwaan, guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada baarlamaanka qaaduudka maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa isaga oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sheegay in uu iska casilay xubinnimada golahaasi.
Abwaan ayaa sheegay in uu isku casilay sidii uu u dhisi lahaa maamulka uu sida wayn u saluug-sanyahay madaxa maamul goboleedka Puntland Siciid Deni ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.
Goob_madal ah ayuu kaga dhawaaqay in uu ka tanaasulay xubbinnimadii uu ka ahaa xildhibaannada golaha dawaaqiidda maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay magaalada Garoowe.
Isagoo la hadlayay siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka Riddada Siciid Deni, kana tirsan maamulka Riddada SSC-khaatumo iyo kooxda Riddada ayuu yiri” waxaan hortiinna ka caddeynayaa inaan ka tanaasulay xubinnimadii aan ka tirsanaa ee golaha wakiilada Puntland, waxaanna uga tanaasulay inaan ka shaqeeyo dhammaystirka iyo isku keenka Khaatumo iyo Maakhir’.
Iscasilaadda xubinnimo xildhibaan ee guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada daaquudka maamulka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Siciid Deni uu ku dhawaaqay in lasoo xiro Abwaan oo horay usoo qabtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.
Maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ayaa sidoo kale shaaciyay in xasaanadda xildhibaannimo laga qaadayo Cabdirashiid Yuusuf Abwaan, basle Abwaan ayaa si deg deg ah usoo jawaabay, isagoo sheegay in uu iska casilay xubinnimadii uu ka ahaa xildhibaannada dawaaqiidda maamulkaasi.