Madaxa kooxda Villa Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmiya u saxiixay nuqulka dastuur-gaaleedka cusub ee dhawaan ay wax-ka-beddelka ku sameeyeen labada aqal ee golaha dawaaqiidda riddada Soomaaliya.
Murtad Gurguurte ayaa sheegay in haatan kooxda riddada ee Villa Soomaaliya bilaabi doonto dhaqan-gelinta dastuurkan cusub, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka madaxweynaha uu noqdo shan sano, halka uu horey uga ahaa afar sano.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in arrintani ay ka dhigan tahay in hal sano oo dheeraad ah uu qaadan karo murtad Gurguurte, kaas oo haatan ku jiray bilihii u dambeeyay ee muddo-xileedkiisa, iyadoo mucaaradkuna ay si adag uga horyimaadeen dastuurkan cusub.
Madaxii hore ee Villa Soomaaliya murtad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si adag u cambaareeyey tallaabadan, ayaa sheegay in dastuurkan cusubi uu yahay mid uu Gurguurte samaystay, kaas oo xoojinaya ayuu yiri khatarta ku gadaaman nidaamka riddada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
“Saxiixa sharci-darrada ah ee maanta uu sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raarcyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala gaynayaa ummadda Soomaaliyeed,..” ayuu yiri Farmaajo, isagoo qoraal kooban soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada.
Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli gebi ahaanba ay burbureen dhammaan wada-xaajoodyadii ay kuffaarta caalamku isugu soo dhawaynaysay darafyada is-khilaafsan ee riddada Soomaaliya. Iyadoo mucaaradku ay ku hawlan yihiin dejinta ajandayaal ka dhan ah nidaamka haatan ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan dhammaadka muddo-xileedka Gurguurte.