Madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jimcihii shalay safar ugu baxay dalka Itoobiya, isagoo caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa kulan deg-deg ah kula yeeshay R/wasaare Abiy Axmed.
Safarkan kediska ah oo imanaya xilli isbahaysiga mucaaradku ay shir ku leeyihiin magaalada Kismaayo, ayaa bayaan kasoo baxay Villa Somaliya lagu sheegay in labada dhinac ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Gaal Abiy Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa baraha bulshadda ayaa sheegay in isaga iyo Gurguurte ay wada yeesheen kulan qado ah, oo lagu sii amba-qaaday wada-xaajoodyo horey ugu socday.
Dadka waxa falanqeeya ayaa socdaalka murtad Gurguure ku sifeeyey mid salka ku haya culays kasoo fuulay shirka ay mucaaradkiisu ku leeyihiin magaalada Kismaayo, iyo sidii dacwad ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan Axmed-madoobe uu ugu gudbin lahaa dawladda Xabashida Itoobiya.
Xogo loosoo dusiyey warbaahinta ayaa sheegaya in kooxda Riddada ee Villa Somaliya ay sidoo kale dhawaan qaar ka mida dowladaha shisheeye ka codsatay in ay baajiyaan shirka mucaaradka ee magaalada Kismaayo, balse tallaabooyinkaasi ayaa sida muuqata kusoo idlaaday fashil.
Kulankan Abiy iyo Gurguurte ayaa loo badinayaa in aanu waxba ka beddeli doonin hannaan-socodka shirka mucaardka, maadaama shirkaasi uu u socdo qaabkii loo qorsheeyey isla markaana saacadaha soo socda la filayo in laga soo saaro go’aanno hor leh.