Murtad Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in todobaadyada soo foodleh ay kooxdiisa Riddada ah shacabka reer Muqdisho xoog uga qaadi doonto lacago uu ku tilmaamay canshuur, taas oo ah mid baad ah oo dadka lagu boobayo.
Wuxuu ku hanjabay in dowladiisa Riddada ay la dagaali doonto cidii diidda lacagahaasi baad ah ee lagu soo rogay oo uu si cad u sheegay.
Dhinaca kale Xasan Gurguurte ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa ku tilmaamay niman waalan oo u baahan in la daweeyo, qaarkoodna ku sifeeyey inuu miyirka ka tago markii ay Mikarafoonka soo hor istaagaan oo waxay doonaan sheegaan, wuxuuna ku sifeeyey dhaliilaha mucaaradka ka imaanaya inay tahay mid ceebeen iyo caay ah oo isaga loo jeedinayo.
Hadalka Gurguurte wuxuu imaanaya xilli ay sii korortay mucaaradada xooggaan oo ay la kulmeyso kooxda Riddada ee Xassan Gurguurte, iyadoona maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kulamo ay yeelanayeen siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo laga soo saaray war saxaafadeedyo lagu dhaliilayey kooxda Riddada ee Xassan Gurguurte.