Madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Gurguurte oo caan ku ah boobka dhulalka danta-guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa weji-gabax kala kulmay Arday Soomaaliyeed oo uu doonayay in uu kula hadlo garoonka ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ardaydan oo kumannaan ah, ayaa qaab qasab ah lagu geeyay garoonka ciyaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu madaxa kooxda Riddada ka jeediyay khudbad ay ku sheegeen munaasabadda macallinka Soomaaliyeed.
Ardayda oo muddo saacado ah ku sugnaa garoonka, ayaa markii ay ka war heleen in uu goobta iman doono murtad Gurguurte, waxay sameeyeen isku soo bax ballaaran oo cabasho ah oo ka dhan ah madaxa kooxda Riddada, kaasi oo burburiyay guryahooda, barakiciyayna qoysaskooda.
Mudaaharaadka ardayda ayaa ahaa mid wayn, waxayna mar qura gudaha u galeen garoonka oo waxay kasoo gudbeen qaybta sare ee la fariisiyay, waxayna jejebiyeen kuraasta tiillay garoonka sida laga dheehan karo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.
Maleeshiyaadka Riddada, ayaa si ay u qamciyaan mudaaharaadka ardayda, ugana hortagaan kacdoonka ka dhanka ah Gurguurte, waxay adeegsadeen rassaas nool nool, taasi oo sababtay dhaawaca mid ka mid ah ardayda.
Mudaaharaadka ay sameeyeen ardayda wax ka dhigta iskuulaadka iyo xarumaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka hdlay xubno siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu bogaadiyay kacdoonka ardayda.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri” Tani waa falcelin dabiici ah oo ka imaanaysa arday waalidkii la barakiciyey, iskuulkiisii la xaraashay, ka dibna qasab lagu keenay garoonka ciyaaraha, saacado illinka lagu baarayey oo uu qorraxda ku caddibnaa, ilaa iyo inta madaxdu ka imaanayso, ogna in Madaxweynaha waddooyinka u xiran yihiin ilaa iyo inta uu halkaa ku suganyahayna ay shacabka ka xirnaanayaan.”
Wuxuu sheegay in tani tahay farriin cad oo ku socota kuwa iska indha tiray dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka caasimadda, isaga oo sheegay in sidoo kale tallaabada ardayda Soomaaliyeed ay weji-gabax ku tahay madaxa kooxda Riddada murtad Gurguurte iyo wasiirkiisa waxbarashada oo isagu si qasab ah goobta ku keenay ardayda kacdoonka sameeyay.
Markii uu Xassan Gurguurte yimid garoonka, wuxuu goobta ka jeediyay khudbad, isku soo baxa ay sameeyeen ardayda ee ka dhanka ahaa Gurguurte ayaana sababay in Xassan Sheekh uu waayo arday uu sawirro la galo.
Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, ayaa tallaabada ay ku dhaqaaqeen ardayda Soomaaliyeed ku sifeeyay mid ka dhalatay boobka xarka goosadka ah ee murtad Gurguurte ku sameeyay dhulalka danta-guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee uu shacabka Soomaaliyeed ugu awood sheegtay.