Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Guutada Cas Ee Taliban Oo Isticmaalaya Qalabka Aragga Habeenka Waxay Dileen Tobanaan Saraakiil Afghaniyiin ah(Akhriso+Maqal).
  • Allposts
  • Warar

Guutada Cas Ee Taliban Oo Isticmaalaya Qalabka Aragga Habeenka Waxay Dileen Tobanaan Saraakiil Afghaniyiin ah(Akhriso+Maqal).

November 19, 2017

Khandahaar, Afghanistan – Waxa dheeraadka ah ee ku soo kordhay fagaaraha dagaal ee Afghanistan waa dagaalyahano ku qalabeysan Koofiyadaha leh Ookayaale uu sameeyo Ruushka ee wax lagu arko xilliyada habeenkii, iyo qoriga darandooriga ee M-4 ee uu soo saaro Mareykanka oo leh tilmaameyaal leysar ah, iyo weyneyso aragga loo isticmaalo oo iyadana lagu sameeyo Iiraan ama Pakistan.

Waa dagaalyahano xiran khamiisyo gaaban iyo cimaamado oo ka tirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan.

Waa xubnaha koox xul ah oo lagu magacaabo Guutada Cas, Waxaana xitaa laga yaabaa in ay adeegsadaan gawaarida dagaalka sida gaari Pick-up ah oo ay Police-ku leeyihiin ama gaari gaashaman oo Humvee ah oo ay military-gu leeyihiin.

Dhibicda guduudan ee ka soo baxeysa tilmaamaha Leysarkooda waxay dul saaran tahay Saraakiisha Police-ka iyo askarta taabacsan xukuumada Afghan ee ka faa’iday balaayiin dollar oo kaalmo reer galbeed ah oo loogu talagalay ciidamada amaanka.

Shan weerar oo habeenimo ah oo qaatay muddo 36 saacadood oo Isniin iyo Talaado ah una muuqday in ay fuliyeen cutubyadan taabacsan Taliban ayaa galaaftay nolosha tobanaan ka mid ah ciidamada Amaanka oo u badan saraakiil Police, ka dib howlgalo ay ka fuliyeen laba gobol oo ku yaalla koonfurta iyo galbeedka Afghanistan.

Saraakiisha dowlada Afghanistan waxay sheegeen in dagaalyahanada fuliyey weeraradan iyo kuwii ugu dambeeyey ee la midka ahaaba ay ka qalab wanaagsan yihiin kana hormarsan yihiin ciidamada xukuumada gaar ahaan kuwa ku jira sufuufta ciidamada Police-ka oo ah kuwa ugu badan ee uu soo gaaro qasaaraha ka dhasha weerarada ay fuliyaan kooxahan.

Guutada Cas ee Taliban oo ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Imaarada Islaamiga ayaa fulisay in badan oo ka mid ah weeraradan sida ay sheegayaan saraakiisha xukuumada Afghanistan waxayna sheegayaan in badanaa guutadan ay saldhigyada la soo weerarayo ku timaado gaadiidka laga soo ganiimeystay Police-ka iyo military-ga.

“Taliban hadda waxay isticmaalayaan taaktikooyin kala duwan. Waxay leeyihiin ciidamo gaar ah oo ku qalabeysan Leysaro iyo qalabka habeenkii wax lagu arko. Waxy soo weerarayaan bar koontaroolada iyo saldhigyada, weyna ka tagayaan goobta durbaba marka ay weerarka fuliyaan si ay kaga fogaadaan duqeymaha xagga cirka” sidaas waxaa yiri Qudratullah Khushbakht oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka Khandahaar.

Taas waxay ahayd xaaladda loo adeegsaday labo weerar oo saacadihi ugu horeeyey ee subax talaado ah lagu qaaday laba degmo oo ku yaalla Khandaar kuwaas oo Afhayeenka gudoomiyaha gobolka uu sheegay in lagu dilay 23 ka mid ah saraakiisha Police-ka, 16 kalena lagu dhaawacay ka dib weeraro lagu qaaday 15 ka mid ah saldhigyada Police-ka. Saraakiil kale ayaa qasaaraha dhimashada ee weeraradaas lagu qaaday degmooyinka Zahre iyo Maywand gaarsiinaya ilaa 70 askari.

Afhayeenka gudoomiyaha gobolka Khandahaar wuxuu sheegay in weeraradu ay bilowdeen ka dib markii dagaalyahanadu ay gaari Ranjer ah oo Police-ku ka ganiimeysteen ay ku soo weerareen xarun Police, kuna qarxiyeen goobta ka dibna u soo daateen saldhigyo ku dhaw xarunta.

Isla xeeladahaas oo kale ayaa la xaqiijiyey in loo adeegsaday weerar Taliban ay subax Isniin ah ku qaaday gobolka Farah ee dhaca galbeedka wadanka kaas oo lagu dilay 8 ka mid ah ciidamada Police.

Saraakiishu waxay sheegeen in dagaalyahanada Taliban ee soo weeraray xerada ay adeegsanayeen qalabka habeenkii aragga bixiya ee loo yaqaano night-vision.

Laba cutub oo ka mid ah dagaalyahanada Taliban ayaa weeraray bartilmaameedyo kale oo ku yaalla gobolka Farah habeen isniin ah iyo aroor talaado ah kuwaas oo hal xero ku dilay saddex sarkaal oo Police ah, mid kalena ku dilay 15 askari oo ka tirsan ciidamada military-ga sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.

Weerarada Khandahaar, waxay xukuumada Kaabul sheegtay in aanan la qabsan hal xero oo ka mid ah xarumaha Police-ka taasi badalkeedna Mujaahidiinta Taliban la soo gaarsiiyey qasaare culus sida uu sheegay Matiullah Hellal oo ah afhayeenka Police-ka ee gobolka Khandahaar.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga, Dabiixullaah Al-Mujaahid ayaa wareysi uu telephone-ka ku bixiyey ku sheegay in dagaalyahanada Mujaahidiintu ay waayeen kaliya hal mujaahid.

“marka laga hadlayo dagaalka fool ka foolka ah tirada qasaaraheenu aad buu u yaryahay sababtoo ah Mujaahidiintu waxay dagaalka fool ka foolka ah cadowga la galaan kaliya marka ay cadowgooda ka xoog badan yihiin” ayuu yiri Dabiixullaah Al-mujaahid.

Sarkaal ka tirsan police-ka oo hadlayey isagoo magaciisa qarinaya sababo ku aadan hadaladiisa oo burinaya sheegashada rasmiga ah ee dowlada ayaa xaqiijiyey in qasaaraha soo gaaray ciidamada Police-ka uu aad kaga xumaa kagana badnaa inta la sheegay, wuxuuna tilmaamay in weerarka lagu dilay shan Abaanduule oo police ah iyo ku dhawaad 70 askari oo Police-ka ka mid ah, saldhigyada ciidankana si dhameystiran cagta u mariyeen dagaalyahanada Taliban.

Markii Police-ka gurmadka ah loo soo diray goobta si ay u gaaraan xarumahaas, Sarkaalkan wuxuu sheegay in Mujaahidiintu ay isticmaalayeen aaladaha wax lagu arko habeenkii ee loo yaqaano “Night Vision” iyo hubka lagu hago leysarada bixiya tilmaamaha guduudan sidaas darteedna ciidamada Police-ka aysan isdifaaci Karin maadama aysan heysan hubka iyo qalabka ay wataan asaagooda.

Hadalka sarkaalkan waxaa sii xoojiyey dhowr xubnood oo ka mid ah Police-ka kuwaas oo diiday in ay ka hadlaan arinta balse qiray in qasaare culus uu soo gaaray ciidanka xukuumada.

Afhayeenka Police-ka Khandahar ayaa sheegay in xarumaha police-ka ee Khandahaar, afar meelood hal meel oo kaliya ay heysato hubka lagu hago leysarka islamarkaana aanu gabi ahaanba xarumaha gobolka yaalin Ookayaalaha wax lagu arko xilliyada Habeenkii.

“Aaladda Night Vission-ka waxay argigixisadu u adeegsadaan weerarada gaadmada ee habeenkii, waana qalab waxtar leh” sidaas waxaa yiri afhayeenka wazaarada gaashaandhiga ee xukuumada Kabul ninka lagu magacaabo Dawlat Waziri. “Waad arki kartaa cadowgaaga laakiin kuma arkayaan iyaga marka aad imaaneyso” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wargeyska Newyork times wuxuu tilmaamayaa in ay dood adag ka taagan tahay halka dhaaliban ay ka heshay qalabkan casriga ah iyo hubka tayada leh ee dillaaga ah balse Dabiixullaah Al-Mujaahid oo la weydiiyey su’aashan wuxuu tilmaamayaa in hubkan ay ku heleen ganiimo ahaan, ayna ka soo furteen xeryaha cadowga.

Laakiin hubkan iyo qalabkan waxaa intiisa badan lagu iibiyaa suuqyo madow oo ku yaalla dalka Pakistan.

Tusaale ahaan mindaarka habeenkii wax lagu arko ee ku xiran Qoriga loo yaqaano M-4 waxaa la iibiyaa 5,000 oo dollar marka uu yaallo suuqyada madow ee dalka Pakistan.

Inta badan iyagoo bixinaya lacag kaash ayey Taliban si sahlan ku soo iibsataa qoryahan laakiin nasiib xumo ciidamada Xukuumada Kabul iyagoo heysta qoriga hadana inyar  oo kaliya ayuu ku xiran yahay qalabkaas.

Najib Danish, Afhayeenka wazaarada arimaha gudaha ee mas’uulka ka ah ciidamada Police-ka ayaa sheegay in weerarada Taliban ee beegsanaya xarumaha Police-ka ay aad u kordheen sanadkan, iyadoo qasaaraha ay geysanayaan uu yahay mid aad u culus.

Sanadkii la soo dhaafay 6,700 oo isugu jira dhamaan noocyada kala duwan ee ciidamada Amniga ayaa lagu dilay Afghanistan taas oo lagu tilmaamay heerkii ugu sareeyey ee qasaaraha dagaalka.

Inta ugu badan ee dhimatay waxay ahaayeen ciidamada Police-ka kuwaas oo inta badan iyagoo cutub cutub ah ku faafsan wadanka, sidoo kale ilaaliya jidadka iyo dhismayaasha.

Danish, Afhayeenka wazaarada arimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay in Taliban iyadoo adeegsaneysa aalado hormarsan ay la soo baxday xeelad ay ku soo uruurinayaan tiro badan oo ciidamo ah si ay u qaadaan weeraro gaadma ah. “Caowga wuu badalay xeeladiisa, waxay ciidamada ka soo kala uruuriyaan dhamaan gobolada si ay u weeraraan hal xero oo ay ciidamadu dagan yihiin” ayuu yiri.

Daadullaah Qani oo ah xubin ka tirsan golaha gobolka Farah ayaa isna sheegay in xaaladda gobolkaas ay tahay mid halis ah. “

Dhaalibaan waxay isku dayeysaa in ay qabsato guud ahaan gobolka, waxayna adeegsanayaan hub casri ah ayuu yiri”

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Askarta Puntland Oo Qof Shacab Ah Toogasho Ku Dilay.
Next: Weerar Qorsheysan Oo Ka Dhacay Xamar Jadiid.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 29-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 29-02-1447 Hijri.

August 22, 2025
Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Weeraray Duleedka Magaalada Baydhaba.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Weeraray Duleedka Magaalada Baydhaba.

August 22, 2025
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 28-02-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 28-02-1447H.

August 22, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada