Kadib 735 maalmood oo duullaan cudwaan ah uu ku socday shacabka magaalada Qaza ayay ugu dambeyn ciidamada yahuudda sahyuuniyadda billaabeen in ay isaga baxaan magaalada iyagoo dullaysan oo guuldarro madax la raaricinaya.
Wararka ka imaanaya dhulalka falasdiin ayaa sheegaya in ay dhaqan gashay xabad joojintii ay kala saxiixdeen xoogagga muqaawamada iyo Yahuudda sahyuuniyadda.
Ciidanka Yahuuddu waxay billaabeen in ay faarujiyeen xaafadaha kala duwan ee marinka Gaza, waxaana joogsaday dhammaan duqeymihii iyo dagaalladdii sida isdaba joogga ah uga socday magaalada muddo 2 sano iyo maalmo ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha qaza ayaa shacabka magaalada ugu baaqday in ay si taxadar leh dib ugu laabtaan guryahooda ayna ka feejignaadaan dhagaraha cadowga, boqolaal kun oo ka tirsan shacabkii guryahooda isaga barakacay ayaa durbaba billaabay in ay dib ugu laabtaan guryahooda oo burbursan.
Golaha wasiirrada kiyaanka sahyuuniga ayaa shir ay yeesheen ku meelmariyay heshiiska lagusoo gaba gabaynayo dagaalka qaza, Netenyaahu oo wajigiisa guuldarro laga dareemayay ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in uu ku qasbanaaday saxiixa heshiis walba oo lagusoo daynayo maxaabiista Yahuudda lagunasoo afjarayo dagaalka waqti badan qaatay ee Gaza.
Xoogagga muqaawamada falasdiin ayaa iyana bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay sameeyeen wax walba oo shacabka Gaza looga dulqaadi karo heeryida gummeysiga.