Warbixin uu soo saaray hantidhowraha guud ee dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in lacago malaayiin dollar ah la lunsaday islamarkaana aan lasoo marin jihada rasmiga ee qaabilsan xisaabaadka dhaqaalaha dowladda soo gala.
Maxamed Maxamuud Afgooye oo ah Hanti dhowraha ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda in ay lunsadeen lacag ku dhow 19 milyan oo dollar wuxuuna sheegay in aan lamarsiin xisaabinta qarashka dowladda taas oo ka dhigan in lalunsaday.
“Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka ” Lacag dhan $18,386,732 ayaa ka maqan qasnada dowladda” sidaas waxaa yiri agaasimaha Hanti dhowrka guud.
Fadeexaddan dhanka maaliyadda ah ee kusoo baxday hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa imaanaysa xilli Farmaajo iyo Kheyre ay isku diyaarinayaan ka qeyb qaadashada doorashooyinka soo socda islamarkaana ay dhaqaale farabadan ku bixiyeen burburinta maamul goboleedyada diiddan siyaasadooda.