Howlgal gaar ah oo ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab gaar ahaan katiibada sida gaarka ah u tabobaran ee Maxamed Ibnu maslamah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku dileen agaasime ka tirsanaa wasaaradaha dowladda Ridada federaalka.
Howlgalkan fariidka ah waxa uu si gaar ah kaga dhacay qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxayna Mujaahidintu ku khaarajiyeen Nuur Cali Yalaxow (Nuur Jandhag) oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda gaadiidka ee dowladda Ridada.
Ciidamadii Mujaahidiinta ee howlgalkaasi fuliyay ayaa si nabdoon kaga dhaqaaqay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaas soo gaaray maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, kuwaas oo goobta ka qaaday maydka murtadka la dilay.
Howlgalkan gaarka ah ee ka dhacay degmada Yaaqshiid waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay lixaadsadeen howlgallada jihaadiga ka dhanka maleeshiyaadka iyo madaxda dowladda federaalka ee sida xowliga ah uga socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com