Howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka dowladda federaalka.
Howlgalka waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Afgooye waxayna ciidamada Mujaahidiintu ku dileen askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Cismaan Xaaji Cumar.
Askariga lagu khaarajiyay degmada Afgooye waxa uu caan ku ahaa dhibaataynta dadka muslimiinta ah, isagoo waliba si gaar ah u beegsan jiray dadka ay ka muuqato shacaa’irta islaamka.
Howlgalkan fariidka ah waxa uu kusoo beegmayaa xilli maalmo ka hor howlgal kan la mid ah oo ciidanka shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen degmada Afgooye ku khaarajiyeen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Amiin.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com