Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay Wadada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa weerar qorsheysan la beegsaday Isbaaro Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka ay dhigteen qeyb ka mid ah Wadadaasi.
Weerarkan ayaa khasaara Naf iyo Maal ah lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Dowladda Ridada, Iyadoo Weerarkan lagu dilay Afar Askari oo Murtadiin ah.
Waxeyna Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin soo Ganiimeysteen oo gacanta ku dhigeen Afar Qori iyo Booshashkooda.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ku dileen askar ka tirsan Maamulka Gaala Raaca Hirshabeelle Hubna kusoo furteen ay ka fuliyeen gudaha Degmada Jowhar Ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Calamada.com