Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo shisheeyaha iyo maleeshiyaatka kooxda Ridada ka kala sameysteen Wilaayaatka Shabeelada Hoose iyo Jubbada hoose.
Dagaalka hore waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisnka iyo isbaarada maleeshiyaatka dowladda Ridada ay ka sameysteen deegaanka Siinka dheer oo ah deegaan dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Dagaalkan ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka Murtadiinta, Iyadoo isbaaradan ay tahay mid si aad ah maleeshiyaatka Farmaajo ugu dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaasi.
Dhanka Jubbada hoose waxey ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaanka Qooqaani.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyen iney jirto khasaara kala duwan oo askarta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Calamada.com