Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • ICG: Awood Melleteri Loogama Adkaan Karo Al Shabaab [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

ICG: Awood Melleteri Loogama Adkaan Karo Al Shabaab [Warbixin].

May 23, 2022

Baare katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah, lana hadlay warbaahinta Ingiriiska ee BBC-da ayaa tilmaamay inaaney sinaba suuragal u ahayn in awood milliteri lagu maquuniyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee saldhigeedu yahay Soomaaliya, sidoo kalena ka howlgasha wadamo dhaca bariga qaaradda Africa.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cumar Maxmuud wuxuu aaminsanyahay iney haboontahay in wadahadal lala furo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu sheegey iney tahay laacib asaasi ah oo ka dhex muuqda siyaasadda Soomaaliya.

“howlgalka milliteri oo keliya suuragal maahaan in lagu xalliyo jamaacadan jihaadiga ah ee jirtey inkabadan 20 sano” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska, isagoo intaa ku daray in wadahadalka uu yahay wasiilada keliya ee lagu soo afjari karo dagaalka ka soconaya Soomaaliya.

Weerarada sida joogtada ah u fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dhulka baaxadda leh ee ay maamulaan ayuu sheegay iney muujineyso awoodda sii kordheysa ee Xarakada Al-Shabaab, taasoo dhawaan fulisay weerar culus oo cagta lagu mariyay ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marka laga soo tago koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo masaaxo ballaaran ay ka maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu baarahan katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah sheegayaa in deegaannada buuraleyda Golis ay yihiin goobo istiraatiiji ah oo ay ciidamada Xarkada Al-Shabaab kasoo abaabulaan weeraro xoogan oo lagu beegsado Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ee wehlineysa.

Shabkadda warbaahinta ee Ingiriiska waxay tilmaameysaa in si lamid ah Afqaanistaan laga cabsi qabo in dalka Soomaaliya la wareegto Xarakada Al-Shabaab, marka uu dhamaado mandate-ka ciidamada Atmis ee horey loogu yeeri jiray AMISOM oo tan iyo sanadkii 2007-da ku sugan Soomaaliya.

Cumar Maxmuud ayaa soo jeedinaya in la dhiso ciidamo Soomaali ah oo lagu bedeli karo kuwa Shisheeyaha, si ay u hantaan buu yiri amaanka Soomaaliya, hase yeeshee rajada in ciidankaas ay is hortaagaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah mid aad u liidata.

“Inkastoo ciidamada Afrikaanta iyo kuwa Soomaalida ay la wareegeen magaalooyin katirsan dalka, hadana Al-Shabaab waxay maamushaa deegaanno fog fog, wayna adagtahay in deegaannadaas laga saaro oo lagala wareego” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo la hadlayay warbaahinta Ingiriiska.

Marka laga hadlo deegaannada ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu baarahan katirsan kooxda ICG tilmaamayaa in Al-Shabaab ay heystaan bulsho ballaaran oo ku qanacsan maamulkooda iyo aragtidooda.

” Ma rabo keliya inaan dhoho Al-Shabaab waa argagaxiso, balse waxay heystaan jaanib kale oo ah iney kaalin muhiim ah ku leeyihiin Siyaasadda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo katirsan kooxda xasradaha caalamiga ah ee ICG.

Wuxuu ku adkeysanayaa Cumar Maxmuud in istiraatiijiyada milliteriga oo keliya aaney ku filneyn in looga adkaado Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna soo jeedinayaa in la raadiyo wasiilooyin kale oo lagula tacaamuli karo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

” Waxay inta badan siyaasiyiintu isku waafaqsanyihiin in Xarakada Al-Shabaab aan lagu jebin Karin wasiilada milliteriga oo keliya, sidaas darteed waa in fursad la siiyaa wadahadallada, si loo soo afjaro dagaalka ka socda Soomaaliya” ayuu leeyahay Cumar Maxmuud.

“Xalka keliya ee ii muuqda ayaa ah midkaas, waana mid u suuragelin kara dowladda cusub iney ugu dhawaato Xarakada Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay hadalkiisa nin katirsan kooxda Xasradaha caalamiga ah, oo ah markaz hoostaga Qaramada Midoobay.

Ciidamada Soomaalida ayuu tilmaamayaa baarahan inaaney awoodin in iyagoo keligood ah qaadaan duulaanno ka dhan ah ciidamada Xarakada Al-Shabaab, sidaas darteed haddii ciidamada ATMIS ka baxaan Soomaaliya sanadka 2024-ta, waxaa hubanti la’aan ka taaganyahay jiritaanka dowladda federaalka, iyadoo laga cabsi qaba iney lamid noqoto xukuumaddii ka jirtey Kaabul, ee uu madaxweynaheedu cararay markii ciidamada Maraykanku billaabeen iney isaga baxaan Kaabul.

Dhawaan waxaa isbedel ku yimid hogaanka dowladda federaalka, markii doorasho ka dhacday teendhada Afisyooni oo ay waardiyeyaal ka ahaayeen ciidamo Shisheeye ay ka dhacday doorasho madaxtnimo oo uu kusoo baxay Xassan Sheekh Maxmuud oo dadka aqoonta u leh tilmaamaan inuu yaahy siyaas aad ugu jilicsan Shisheeyaha iyo rabitaankooda, si gaar ah dowladda Itoobiya, maadaama dhulka Soomaali galbeed uu horey ugu tilmaamay dal Itoobiya kamid ah.

Waxay timid doorashada madaxtnimada ee dowladda federaalka, xilli howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya uu isbedel ku yimid, halka markii uu watay magaca AMISOM oo qeexaya in ciidamadan yihiin kuwa dagaallamaya uu hadda isku bedeley howlgalka ATMISI oo ka dhigan in howlgalku yahay mid ciidamada Soomaalida sii gaarsiinaya hanashada ammaanka dalka.

Macaahidda diraasaatka iyo warbaahinnada reer galbeedka iyo xitaa kuwa gobolka ayaa aaminsan in weli siyaasadda Soomaaliya uu fashil ka taaganyahay, siyaasiyiinta u raran Shisheeyahana aaney is ogoleyn, iskaba daa in iyagoo mideysan ay fuliyaan awaamiirta iyo istiraatiijiyadda loo dejiyay.

Taas bedelkeeda, Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab ayaa si degan oo kaadsiimo ku jirto waxay u wadaa Jihaadka ay kula jirto ciidamada Shisheeyaha ee dalka kusoo duuley iyo Soomaalida la socota, waxaana warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Newyork Times ku tilmaamay Al-Shabaab iney tahay awoodda rasmiga ah ee ka jirta dalka Soomaaliya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Weeraro Kala Duwan Oo Saraakiil Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Ku Noqdeen.
Next: Inka Badan 20 Ruux OO Lagu Dilay Toogasho Mareykanka Ka Dhacday.

Related Stories

Mucaaradka, Jubbaland Iyo Puntland Oo Gole Ka Dhan Ah Gurguurte Kaga Dhawaaqay Nairobi.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka, Jubbaland Iyo Puntland Oo Gole Ka Dhan Ah Gurguurte Kaga Dhawaaqay Nairobi.

October 2, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-04-1447-Hijri.

October 2, 2025
Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Buurhabaka.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Buurhabaka.

October 2, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada