Warsaxaafadeed sacado kahor uu soo saaray urur-goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka kasoo baxay dowladda Eretriya ee ururka ay kaga baxay.
Waxa lagu xusay bayaanka in Eretriya ay ku dhowaad 20 sano iskeed uga maqneyd IGAD, balse ay dib uga mid noqotay shir-madaxeedkii dhacay June 2023.
Tan iyo markaas, IGAD waxay sheegtay in Eretriya aysan ka qaybgalin shirarkii iyo hawlihii ururkuk uu muddadaasi yeeshay.
IGAD waxay tilmaamtay inay muddodaasi ay naawilaysay oo ay diyaar u ahayd wada hadal, balse Eretriya ay ka baxday iyada oo aan soo gudbin wax talo iyo isbedel ah oo khuseeya ururka.
Ugu dambayn, IGAD waxay ku boorrisay Eretriya inay dib u qiimeyso go’aankeeda oo ay si buuxda ugu soo laabato ururka.
Bayaankan ayaa soo baxay saacado kadib markii dawladda Eretriya shaacisay inay isaga baxday IGAD oo ay ku eedaysay inuu ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday.
Urur-goboleedka IGAD waxaa xubno ka ah dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan, Koonfur Sudan, Soomaaliya, iyo Eretriya oo iyadu haatan isaga baxday.