Maalinta 36-aad oo xirir ah ayuu galay dagaalka u dhexeeya dowlada Mareykanka maamulka Yahuuda iyo dowlada Iiraan, iyadoo uu socda howlgal lagu raadinayo duuliye Ameerikaan ah oo nolol iyo geeri lagu la’yahay , halka ciidanka Yahuuda ay shaaca ka qaadeen in ay weerareen warshado petro-kimiko ah oo ku yaalla koonfur-galbeed Iiraan.
Xukuumadda Dahraan ayaa shalay ku dhawaaqday in labo diyaarad dagaal ah la soo riday, halka hal helikobtar ay waxyeello gaarsiiyeen . Mas’uuliyiin katirsan maamulka Washington ayaana xaqiijiyay in diyaarad “F-15” ah lagu soo riday gantaallo ay Iiraan leedahay .
Xogta ayaa sidookale sheegaysa in ciidamada Mareykanka ay heleen mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaarada “F-15”, halka raadinta duuliyaha labaad ay weli socoto.
Dhanka kale , warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarad kale oo “A-10” ah ay ku dhacday meel u dhow Gacanka Hormuz, iyadoo duuliyaha la badbaadiyay, lamana oga in Iiraan ay ka dambeysay dhacdadan ama diyaaradu udhacday cilad kale .
Dhanka kale, gantaallada dowlada Iiraan ayaa ku hoobtay saacadihii lasoo dhaafay magaalada Talaabiib , iyadoo ay jiraan dhaawacyo iyo burbur hantiyeed. sida uu sheegay telefishinka 12aad ee sahaayinada gantaalada Iiraan ayaa gubaywarshad ku taalla magaalada Bi’ru Sabca . Warbaahinta Iiraan dhankeeda waxay qoraysaa in gantaallada ay beegsadeen xarun warshadeed oo ka taabacsan Wasaaradda Difaaca Yahuudda.