Isagoo wareysi siinayey warbaahinta ayuu sheegay murtad Ilyaas Gaboose oo ka tirsan Senetarada Aqalka Sare ee kooxda ridada Soomaaliya in isaga iyo maleeshiyaatkiisa ay ku afduuban yihiin guri ku yaalla magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu adeegsaday awood ciidan isagoona ciidamo fara badan dul-dhigay guriga ay dagan yihiin, isagoona sheegay inay yihiin maxaabiis aan bixi karin.
Ilyaas Gaboose oo horay u sheegtay in loo doortay madaxa maamulka Riddada ah ee Jubaland ayaa sheegay inay la joogaan dad gaaraya ilaa 30 ruux oo isugu jira siyaasiyiin iyo maleeshiyaad, xaalad caafimaad xummana ay haysato maadaama guri yar ay ku jiraan oo aysan banaankana u bixi karin.
Murtad Ilyaas Gaboose oo ay soo dirsatay kooxda Riddada Soomaaliya ayaa sannadkii hore xilli uu tagay magaalada Kismaayo shaaciyey in loo doortay maamulka Riddada Jubbaland, balse wixii markaasi ka danbeeyey ayuu Madoobe oo arrintaasi ka xanaaqay xabsi guri ku galiyey magaalada Kismaayo.