Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in heshiis maxaabiis isweydaarsi ah lagashay dowladda Mareykanka oo ciidamadeedu ay duullaan ku joogaan wadankaasi.
Bayaan kasoo baxay Xarakada Jihaadiga Daalibaan ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu ay sii daayeen laba nin oo u kala dhashay wadamada Mareykanka iyo Austaralia islamarkaana ay ku bedesheen hoggaamiyaal gacanta cadowga kujiray.
Maxaabiista ajaanibta ah ee lasii daaye ayaa kala ahaa Prof. Kevin king oo American ah iyo Timothy Wicks oo heysta dhalashada dalka Australia, labadan nin ee lasii daayay ayaa sedax sana ka hor lagu qabtay weerar xoog kugal ah oo dagaalyahannada Daalibaan ay ka fuliyeen dhismaha Jaamacadda (American University of Afghanistan) oo kutaal magaalada Kaabuul.
Daalibaan ayaa maxaabiistan reergalbeedka ah ku bedelatay sedax hoggaamiye oo ku xirnaa xabsiyada ciidanka Mareykanka kuwaas oo kaalin weyn ku lahaa halganka Jihaadiga ah ee Afghanistan ka socda.
Hoggaamiyaasha Daalibaan loosii daaye ayaa kala ah Anas Xaqaani oo ah wiilka Sheekh Jalaaludiin Xaqaani, Xaaji Maali Khaan iyo Caafid Cabdi Rashiid oo dhammaantood ahaa hoggaamiyaal katirsan Imaarada islaamiga ah.
Xarakada Jihaadiga ah ee Daalibaan ayaa sanka dhulka ugu jiidday xulufada NATO ee Afghanistan ku duushay gaar ahaan dowladda Mareykanka oo ku qasbanaatay in ay mujaahidiinta ula macaamusho sida dowlad iyadoo la ogyahay in Daalibaan ay ku jirto liiska waxa loogu yeero Argagaxisada