Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus ku qaaday Degmada Deyjuban oo ka tirsan Wilaayada Zaabul ee dhacda Konfurta Dalka Afghanistan, Waxaa degmadaasi ku sugnaay Maleeshiyaatka Maamulka Kaabul.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa dhowr jiha ka galay Degmada waxeyna si toos ah u beegsadeen Saldhiga iyo Xarumaha kale ee maamulka Ridada Kaabul kaga sugnaay Degmadaasi.
Dagaal Culus kadib waxey Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Dayjuban, Iyadoo Maleeshiyaatkii Maamulka Mareykanka uu ka dhistay Kaabul ee ku sugnaay Magaalada ay noqdeen kuwoo la dilay iyo tiro Cagahooda ku baxsatay.
Siddeedii Bilood ee u dambeysay waxey Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan si buuxda ula wareegeen Lix iyo Toban Degmo kuwaasi oo kala dhaca Waqooyga, Bariga, Galbeedka, Konfurta iyo Bartamaha Dalka Afghanistan.
Calamada.com